Xildhibaan Axmed-yaasiin Oo Ka Hadlay Xeerka Saami-qaybsiga Ee Ay Ka Dareereem

0
673

Picture4Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan XIldhibaanada ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay xeerka lagu soo dooranayo Golaha Wakiilada, oo muran iyo khilkaaf ka dhex abuuray Golaha Wakiilada, taas oo keentay in XIldhibaada Gobolkiisa ka soo jeeda ay ka soo xaadiri wayaan kalfadhiyada, waxaanu sheegay in Guddoomiye Cirro ku deg degay inuu furo Golaha, isla markaana Guddida Arimaha guddaha uu u gudbiyo.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa isaga oo u waramaya Wariye Faysal Fifa oo ka tirsan Royaltv sidoo kale sheegay in aanu dalku yeelan karin laba Madaxweyne ku xigeen, isla markaana inta badan booska Madaxweyne ku xigeenku aanu yeelan sameyn Siyaasadeed balse uu Raysal-wasaare yeelan karo, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilabay sidan “Xeerka Golaha Wakiilada lagu soo dooranaayey, markii ugu dambaysay ee uu xeer dhaqan gala ahaa waxa uu ahaa 2005-tii, markii anaga lana soo dooranaayey, oo wakhtigaas Golihii naga horeeyey muran badani ka dhashay, dabadeed ay Maxkamadu xal mooday oo ay qaraar ka soo saartay ay leedahay xeerkani waxa uu dhaqan gal yahay maanta oo keliya, dadweynaha waxa lagu khaldayaa oo dadka qaar leeyihiin xeerkani xeer jira weeyaan oo qodob ka mid ah  baa la joojiyey, Maxkmaduna waxa ay tidhi maanta oo qudha ayuu xeerkani dhaqan gal yahay ku meel gaadh ahaan,  xeerkii aftidii lagu laayey ee la yidhi afti dad weyne oo lagu tirikoobay dadweynaha, si qof walba xaqiisa u helo gobol walba xaqiisa u helo. Degmo waliba xaqeeda ku hesho lama sameeyn qodobkii ay Maxkamadu ku laashay, xeerkii isaga oo sidaas u laalan ayaa haddana lagu soo daray ajandihii”

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa isaga oo ka hadlaayey sababta ay uga dareeraan kal-fadhiga Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Anagu Xildhibaanada ka soo jeeda Awdal iyo Salal markii aanu ka dareernay markii aanu ka dareernay arintaasi waxa ay ahayd in anaan qaadan karin xeer kotorobaanka ah, oo la kotorobaaninayo, Xeer aan ahayn sifadii sharci ku imanaaayey, Xeerarku Saddex weji ku imaddana Golaha, mid wuxuu  ku yimadaa Xukuumadda oo soo curisa, soona dirta, waxa kale oo ay ku yimadaan in 11 mudddane ay mooshin ku soo dhigaan arinkaas la sharciyeeyo, waxa kale oo ay ku yimadaan in shan kun oo dadweyne ahi soo saxeexaan, qabyo qoraal ay leeyihin sharci ha laga dhigo, saddexdaas weji midna kumuu iman xeerkani, waanu laalan yahay, shardigii uu ku laalamayna lama fulin, tirakoob lagu qanco oo dalkii laga qabto oo laga qayb qaatay kamay dhicin wadankii, markaas muxuu xeerkii noqonayaa, kotobaan buu noqonayaa, anaguna dareenkayaga taas ayaanu ka muujinay”.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa mar uu ka hadlaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  waxa uu yidhi “Dalku waxa uu ku socdaa kuna meel maray in qofba qofka kale, in gobolba gobolka kale, aragtiba aragtida kale inay ixtiraamto baynu dal ku nahay oo qaran ku nahay, horeba waanu u ogayn haddii ay reer Awdal ka maqan yihiin in aanu kooromku dhimaynin, oo kooramka la helayo, balse tiirarka ay Somaliland ku taagan tahay kuwa ugu muhiimsan ayey Awdal ka mid tahay, Awdal oo dhan oo maqan in Guddoomiyihii Golaha Wakiiladu u joojin waayo nasiib darada weyn ee dhacday horta taas weeyaan, Golihii anaga naga horeeyey, markii xeerkan la isku qabsaday Qaybe oo waaya arag ahaa siyaasi ahaa diblomaasi weyn ahaa, xilkasnimadu faraysay in aanu dalku kala maarmi karin wuxuu yidhi kormaa inoo buuxa ku wada maynee raga inaga maqan ee inaga baxay ilaa aynu is qancino Goluhu uu inoo xidhan yahay, anagu waanu ka xishoonaynaa in Golaha marka intii Awdal iyo Salal laga reebo soconayso uu Guddoomiye Cirro uu muujiyey inuu wadi karo Golaha reer Awdal oo aan ku jirin, anagu uma badheedhayno dalku inuu galo waxa la yidhaahdo khamaar, waxa aanu danaynaynaa wada jirka, is aaminka, wax wada lahaanshaha ayey muhiimadu noogu muuqata, waxa aanu leenahay cagta u dhigoo, Xeerkani Xeer uu goluhu ka dabaalnayo maaha saami umada u qeybinaya maaha, waxa uu ku khalday dadka oo uu yidhi Guddi baan u aaray, Guddi umuu saarin marka uu Xeer waliban yimaado Guddida uu xidhiidhka la leeyahay ayaa loo dhibaa, Xeerkani isaga oo nidaam shairciga aanu Golaha ku iman ayuu ku mariyey, hana laga saaro Guddida uu u dhiibay ee Arrimaha Guddaha”.

XIldhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa maruu ka hadlaayey in aanay Xukuumaddu waxba ka qaban Gobolka Awdal ayaa yidhi  “Kulmiye waan ka tirsan ahay,  haddii aad kulmiye ka mid tahay kama dhigna haddii uu khalad dhacay inaad khaladkaas indhaha ka qarsanayso, ama aad aragtidaada cabiri kari waayso, anigu Kulmiye waxa aan ku doortay waxaan moodayey meel lagu murmo laakiin aan lagu kala tagin, oo aan la isku nicin rayiga qofku uu cabirayo, tiiba wali qabaa oo ilaa hadda aan ka quusan Xukuumaddu run ahaantii dadaalo badan way gashay, si guudna dadaalo wey ugu jirta halka amaanka iyo dhaqaalaha, xagga horumarka iyo xagga ijtimaacigaba, laakiin taasi kama dhigna in dhaliisha jirta aad sheegi weydo, waxa aan ahaa Raggii u ololeeyey inuu Madaxweynuhu tago deegaanka xeebta, oo uu Saylaca tago oo uu Lughayo tago, oo uu Boorama tago, oo uu intaas oo dhan soo maro, meelaha qaarna uu Dhagaxyo soo dhigo, waxaana ka xumahay in balanqaadyadii ilaa imika aanay fulin, oo Dhagaxii Lughayaha la dhigay sidii uu u yaalo, kii Iskuulka Sheekh Cali Jawhar uu sidii uu yaalo, kii la yidhi Madaxtooyada Boorama laga dhisayaa uu sidii wali u yaalo, kii Xabsiga la dhigay wali sidii u yaalo  oo Shantii Sanno dhamaadatay iyada oo Dhagaxaantii tuulan tahay, waan ka xumahay taas oo kama faraxsani,  in bini-aadamka  wax ka qabyooba ceeb maaha, laakiin in gabi ahaanba wixii uu balanqaaday inuu fulin waayo ayaa ceeba”.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa mar uu ka hadlaayey in dalku laba Madaxweyne ku xigeen yeelan karo iyo in kale oo uu soo jeediyay guddoomiye-xigeen Baashe Maxamed Faarax,  ayaa yidhi “Awoowgay Baashe Maxamed Faarax waan ixtiraamaya, balse harag sakaaro iga kac mooye iga durug ma leh, booska Madaxweyne ku xigeen ee Somaliland leeyahay wax laba u qaybsamo ma leh malaa waxa ay ku fiicnayd in la yidhaahdo waxa laga bedelee, oo boos sameeyn siyaasadeed la leh la sameeyo sida Raysal wasaare oo Dastuurka aynu ku qorono inta aynu furno” Dhanka kale waxa uu Xildhibaanku sheegay inuu soo dhaweeynayo go’aanka Maxkamada.