Xildhibaan Reer Sanaag Oo Ka Hadlay Afduubkii Guddiga Doorashada Ee Gobalkaas

0
486

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir  Jaamac Xaamud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna XIldhibaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag gaar ahaan Sanaag Barri, ayaa sheegay inay haboon tahay in hawl walba oo laga fulinayo deegaanadaas in dadka u dhashay laga hawl galiyo, si aanay dhib uga dhicin, isla markaana ay xaqooda u helaan, waxaanu tusaale u soo qaatay hawlaha ay Komishanku ka wadaan halkaas.

Xilidhibaan Cabdiqaadir  Jaamac Xaamud oo Shir jaraa’iid qabtay ayaa sidoo kale sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ka gaabisay inay maamul daadajin sameeyso, si wacana uga shaqayso Gobolka Sanaag, gaar ahaan Sanaag Barri, waxaanu ugu horeyn uuyidhi

“Hawsha Komishanku uu hore u qabtay iyo maalmihii dhawayd barnaamijyadii dhacay, iyo Komishankii dhibaatada la kulmay ee soo noqday markii dambe, runtii hore ayaanu arintaas uga hadlaynay, arinkaasi waa arin muhiim ah shacabka iyo dadka ayeynu muhiim u tahay, inay ka faa’iidaystaana waa muhiim, hal qodob ayaa jiray oon doorkii hore ka balanay, dadkii aanu markii hore diiwaangelintii aanu gaynay, Gaadhigii, Shaqaalihii wixii oo dhan halkan ayaa laga kaxeeyey, markii aanu is nidhi hawshii bilaaba, baa shacabkii degaanka iyo shacabkii Gobolka Sanaag wax ay yidhaahdeen wixii oo dhan waxa aad kala timaadeen Barnaamijkiina oo dhamaystiran Magaalo Madaxdiiye, taasna waa wax ay xaq u lahaayeen runtii, waxa aanu ku qancinay fursadaha dambe ka faa’iidaysta, hadda dadka dib ha u celinine, waxana dalka ayey dan u yihiin oo ay faa’iido u yihiin iyo kaadhadhka la qaadanaye, tii wey nala qaateen, tan Maanta dhacday waxa aanu runtii ku boorinaynaa inay kala qayb galaan, oo Komishanku sida ay u maamulan, inay deegaandii ka qaataan Baabuurtii iyo Shaqaalihii dadkii waxa garanaayey”

Xildhibaan Cabdiqaadir  Jaamac Xaamud ayaa mar wax laga weydiiyey inay Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ka gaabisay inay Goboladaas gaadhsiiso maamulkeeda ayaa  yidhi “Haa waa run waayo marka aad barnaamij sameeynaysid waa inay maamul daadajini jirtaa, dhawr goorna waa anigii ka hadlay, oo maamulkaagii oo meeshii ku jooga waa inaad hawshii qabatid, markaas taas wax wey ka jiraan, dayacaadi wey jirtaa, balse hadda waa loo dadaalaya”

Dhinaca kale waxa uu Xildhibaanku ka hadlay Badhan iyo Taliyihii dhawaan halkaas lagu dhaawacay, waxaanu sheegay in Taliyahaasi geesinimo sameeyey.