Xildhibaan Reer Burco Ah Oo Soo Jeediyay In Madaxweynaha Loo Kordhiyo Laba Sannadood

0
527

Burco(Geeska)-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka degmadda Burco, ayaa sheegay  in  marka laga eego   saameynta abaarta ba’an ee ka jirta gobollada bariga Somaliland, aanay suurto-gal ahayn in doorashada madaxtooyadda lagu qabto wakhtigii loo cayimay oo ahaa 28-ka Bisha March 2017, waxaannu ku baaqay in muddo laba sannadood ah oo kale loo kordhiyo xukuumadda Somaliland.

1

Xildhibaan  Mubaarig Bidhi waxa uu sheegay in dadka reer guuraaga ah ee gobollada bari ay muddo lix bilood ah ku qaadan karto inay dib ugu noqdaan deegaannadii ay ka soo guureen. Waxa kaloo  uu siyaasiyiinta iyo bulshadda ku booriyay in loo soo  jeedsado gurmadka dadka abaaruhu  hayaan.

“Waxaan in badan   aan arkaa iyada oo laga hadlayo siyaasadda, xaaladda ay ku sugan yihiin gobollada bari

bulshadii  meelihii  ay yaaleen waa ay ka guureen, waxaan soo jeedin lahaa in abaaraha  gurmadkooda loo soo jeedsado oo dadka wax la taro, doorashadana Hay’adaha sharciga ah ee  ku shaqada lihi ha kordhiyeen muddo laba sanno ah, waayo doorasho lama qaban karo oo dad iyo xoolaba waa ay dhimanayaan. doorashana innooma dhowa, dadka xataa haddii la is  yidhaahdo kaadhadhka siiya halkii uu qof waliba degannaa wuu ka guuray.

Waxa laga yaaba in dadkaas maanta guuray ee ay abaartu ka hayaamisay goobahoodii ay muddo lix bilood ah  ku soo noqdaan,  markaa hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh waxaan ka codsanayaa inay xukuumadda u  kordhiyaan muddo laba sannadood ah,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi, oo ka hadlayay munaasibad uu ku wareejinayay Guddida abaaraha ee gobolka Togdheer, lacag ay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda Helisinki  ee dalka Finland ku soo hagaajiyeen, waxaannu yidhi, “Deeqdan lacageed waxa soo diray jaaliyadda Helisinki ee dalka Finland, waxaanay ii soo direen lacag dhan laba kun iyo toddoba boqol iyo konton dollar, waan u mahad-naqayaa Iimaan Sahal Cawad oo ah wiil ciyaar yahan ah lacagtan  ii soo wakiishay inaan ku wareejiyo  Guddida gurmadka abaaraha ee gobolka Togdheer, waxaanan  ku wareejiyay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabyotire.”

Sidoo kalena, Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabyotire oo haatan loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo xildhibaanka   kala wareegay lacagtaas, ayaa  u  mahadceliyay dadkii   lacagtaas  soo diray, waxaannu yidhi   “Iimaan Sahal Cawad iyo dhallinyarada la midka ah ee uu ka soo ururiyay ee wadanka Filand caasimadiisa Helisinki, ma  aha markii ugu horeysay ee ay wax soo diraan waanan  uga mahad-naqaynaa kaalmadooda, halkii aad ka soo saarteenna

waxsan     Ilaahay  haydiinku bedalo, xildhibaan Mubaarigna aad iyo aad ayaanu ugu mahad-naqaynaa.”