Xildhibaan Qabile Oo Sheegay In Xadhigga Musharraxiintu Waxyeelayo Geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Somaliland

0
478

Hargeysa(Geeska) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa warqad furan u diray Madaxweynaha, Komishanka, Xisbiyada iyo Musharixiinta kala duwan ee tartamaya, waxaanu ku baaqay in geeddi socodka Dimuqraadiyada Somaliland la ilaaliyo, lagana dheeraado wax kasta oo hagardaamo ku ah.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile wuxuu yidhi “Waxaan ka hadlayaa oo aan soo gudbinayaa farriin furan oo ku wajahan Madaxweynaha, Xukuumaddiisa, Musharaxiinta Xisbiga ay doonaanba ha noqdaane iyo Komishanka, hormo guuraadii  laga hori lahaa darka Doorashooyinka ayeynu cagta saaranay ee hagardaamada aynu ka ilaalino, Musharixiinta marka ay Komishanku meel mariyaan, maamuus bay leeyihiin, waxaana loo ilaalinayaa anshaxa guud ee Doorashooyinka, wixii aan ahayn dambi gacanta lagula jiro mooye, anigu Xisbi gaar ah u doodi maayo, laakiin dhaawaqyada ka soo baxaya Gobollada  waa arrin geedi socodkii Dimuqraadiyadeena waxyeelaysa, qof soo dhamaystay nidaamkii looga baahnaa, in maanta la yidhaahdo waa la xidhay, ama gurigiisa ayuu Boolisku tagay, waa ayaan daro”.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Warqad furan waxaan u dirayaa Madaxweynaha, Xukuumadda, Komishanka, Xisbiyada iyo Musharixiinta, waxaana leeyahay marka hore  maanta weynu ognahay xaaladda Waddamada inala jaarka ah, ee Doorashadani qiimo fara badan bay ugu fadhidaa qabsoomideedu Qaranka Somaliland, ilaa hadda si wacan bay wax inoogu socdaan, ee xadhiggani ha ka yimaaddo Xukuumad ama reeraha dhufayska laga dhigto, ee Dastuurkeenu ma dhigayo inay reernimo iyo dawladnimo isku galayaan, ee nidaamka dawadlinada aynu wada ilaalishano, haddii si hoose wax loo dhamaysanayo waa halkeeda, laakiin marka Doorashooyinka la galayo oo Musharixiinta wixii looga baahnaa ee ahaa shuruudo iyo dhaqaale ay ka soo baxeen oo waliba Komishankuna astaantii lagu dooranayey ay soo saareen, in furin kale lagu furaa oo xadhig lala miciinsadaa waa khalad iyo gef sharci, markaas warqadayadani furani waxay si gaar ah ugu socotaa Komishanka oo iska leh masuuliyadda koowaad ee qabsoomidda Doorashooyinka, Musharixiinta tartanku ka dhexeeyo oo saldhigoodu yahay Axsaabta iyo Xukuumadda oo u sareeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo lagu amaanayey ilaa hadda qaabka loo wada isku diyaarinta Doorashooyinka, waa ayaan daro in Maanta Musharixintu  dareemaan nabadgalyo xumo, halkii ay hawlahooda yoolka iyo guusha ay hiigsan lahaayeen  ka qabsan lahaayeen, ha noqdo Nin ama Gabadh musharixiin ah in ka mid ah qaranka ayaa xulatay, oo doonaysa inay doortaan, markaas Musharixiinta hanka leh ha laga daayo gujada, oo Komishanku waajibkiisa ha ka qaato, Axsaabtuna xaq bay u leeyiihin inay doodaan Musharixiintooda la xidhay, Xukuumadda lafteedaanu waa inay mar walba sharciga ilaalisa, oo waajibkeeda ka saaran hawshan ay sida ugu haboon uga qayb qaadataa, Shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiirradana wixii lagaga hadlayey waxaa ugu muhiimsanaa sidii looga ilaalin lahaa Doorashooyinka is huwan wax kasta oo carqalad ku ah, laakiin wax kasta oo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dhaawac ku ah waa inay ku caddahay cid masuuliyaddeedu, si loola xisaabtamo, cid kasta oo xad gudub sameeysaana waa cid qarankan xumaan ku haysa, markaas Doorashooyinkii waxaa inooga hadhay galin oo u dhigan wax ka yar shan toddobaad, ee waxaan ku dardaramayaa Doorashooyinka ha laga daayo hagardaamada, Musharixintuna mar walba anshaxa ha ilaaliyaan”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office