Warbaahinta Taiwan Oo War-bixin Dheer Ka Qortay Xidhiidhka Somaliland, Dekedda Berbera & Doorka Dalalka Carabta Ee Qaniga Ah

0
617

Hargeysa (Geeska) – The Storm Media oo ka mid ah Hay’adaha Warbaahineed ee laga leeyahay dalka Taiwan, ayaa War-bixin dheer ka qoray Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan.

War-bixinta oo sidoo kale lagu faaqiday Istaraatiijiyadda dhuleed ee Somaliland iyo xidhiidha bilowga ah ee Somaliland la leedahay Dalalka Qaniga ah ee bariga dhexe, sida Imaaraadka Carabta, ayaa waxa Ciwaan looga dhigay “Somaliland Oo Ah Saaxiibka Cusub Ee Taiwan, Waxay Door Muhiim Ah Ka Noqotay Istaraatiijiyadda Dalalka Qaniga Ah Ee Bariga Dhexe..”

War-bixinta ayaa lagu sheegay in dalalka Itoobiya, Masar, Kenya, iyo Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ay ku tartamayaan inay xidhiidh wanaagsan la yeeshaan Somaliland oo u dabaaldegeysa 30 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyaddeeda kala soo noqotay Soomaaliya.

Warbaahinta The Storm Media ayaa si gaar ah War-bixinteeda ugu dul is taagtay Dekedda Berbera, waxayna sheegtay in Dekedda Berbera oo ku xigta Gacanka Cadmeed, ay ahaan jirtay saldhig gantaalaha ciidamada badda ee Midowgii Soofiyeeti oo markii dambena ay isticmaali jireen millatariga Mareykanka.

“Hadda waxaa loo beddelayaa Deked ganacsi oo xor ah.” ayay War-bixintu sheegtay, waxayna intaa raacisay in Maalgeliyaha ugu weyn ee Dekedda Berbera ay tahay Shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP World, oo heshiis la saxeexatay dawladda Somaliland sanadkii 2016 inay Dekedda Berbera ku Maalgelinayso $ 442 milyan oo dolar, Itoobiyana waxay ku biirtay saamilayda Maalgelinta sannadkii 2018.

Dhinaca kale, Itoobiya oo aan lahayn dekedo dibadeed, ayaa War-bixinta lagu sheegay inay dekedda Berbera aad muhiim ugu tahay, sidoo kalena ay Itoobiya si firfircoon uga qayb-qaadanayso maalgelinta dhismaha “Wadada Berbera” iyo waddo tareen oo ka baxda Berbera.
Guuleed Haarun Ibraahim oo ka tirsan shirkadda la-talinta ee Guul Group, ayaa aaminsan in Dekedda Berbera iyo aagga ganacsiga xorta ah ay ku soo jiidan karaan in ka badan 1,500 shirkadood.
Wasiirka Maalgeshiga Somaliland Maxamed Axmed Cawed oo la hadlay The Storm Media, ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland leedahay dekedda Berbera, Somaliland-na ay ku fadhido Mowqif muhiim ah xagga siyaasadda iyo Juquraafi ahaanba “Qiyaastii 30% ganacsiga Adduunka wuxuu maraa Gacanka Cadan, markaa waxaanu isku taagaynaa sidii aanu u noqon lahayn albaabka laga soo galo Afrika.”ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiir Cawed.

Dhinaca kale, Luo Zhenhua oo ah La Taliyaha Wasaaradda Arrimaaha Dibedda ee Taiwan ee dhaqanka iyo dhaqaalaha ee dalka Sucuudiga, ayaa Waraysi uu siiyey Idaacadda BBC-da ee dibedda la hadasha wuxuu sheegay “Somaliland waa albaabka ay Taiwan ka soo gasho Bariga Afrika.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Uma baahnin inaan raadsano madaxbannaani, maxaa yeelay waxaan horey u nahay dalal madaxbanaan. Waxa aan labadeenuba u baahanahay waa aqoonsi diblomaasiyadeed”

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Somaliland, ahna ku-simaha Wasiirka Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa isaguna sheegay “Waxaan noqon karnaa Taiwanta Geeska Afrika, Waayo? Taiwan waa tusaale guul leh.”

Laakiin, Waxyaabaha ay sida weyn iskaga egyihiin Taiwan iyo Somaliland ayaa ah inay wajahayaan cadaadiska diblumaasiyadeed ee wadamada deriska la ah.

Abdullah Muhammad al-Naqbi, oo ah Agaasimihii ugu horeeyey ee xafiiska ganacsiga ee Imaaraatka Carabta ee Somaliland, wuxuu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi bishii March 17-keedii, arrintaasi oo War-bixinta lagu sheegay inay guul weyn u tahay horumarka iyo ballaadhinta dekedda Berbera.

Wasiirka Maalgeshiga Somaliland waxa uu mar kale sheegay “Dekedda Berbera way ka weynaan doontaa dekedaha kale ee Bariga Afrika” ayuu yidhi.

Geeska.net/Hargeisa Office