Hoggaanka KULMIYE Iyo Guddiga Fulinta Oo Isku Afgartay Qodobadii Ay Maalmahan Isku Mari La’aayeen

7
3660

Picture4Hargeysa(Geeska)-Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo guddiga fulinta ee xisbiga ayaa isku afgartay qodobo maalmahan u dambeeyay muran iyo doodo ka dhex abuuray, kuwaas oo kala ahaa guddiga qaban qaabada shirweynaha ee uu hoggaanku magacaabay iyo xubno lagu daray guddiga fulinta.

Kulan shalay loo fadhiistay guriga madaxweyne-xigeenka, ayaa wada hadalo iyo doodo dheer ka dib waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen qodobadii la isku hayay. Xubnaha guddiga qaban qaabada shirweynaha oo uu hoggaanku markii hore ka dhigay 19 xubnood ayaa lagu daray 8 xubnood oo kale.

Shirkaas jaraa’id waxa ka hadlay madaxweyne-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo ka hadlay qodobada la isku afgartay.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa yidhi,  “Waxaanu idiinku yeedhnay (Saxaafadda) inaanu idiin sheegno go’aanka ka soo baxay xisbiga Kulmiye oo maalmahanba shir u socday, marka hore waxaan u mahad-naqayaa xisbiga Kulmiye oo u dhabar adeygay hawlo adag oo aad qiyaasi kartaan oo labada galinba laga shaqeynayey, si loo hagaajiyo diyaar-garowga shirka Kulmiye ee soo socda.

Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye markii ay muddo arintaasi lafo-gureysay waxay isku raaceen oo aan guddoomiyey, markii aan dhageystay soo jeedintii guddida fulinta iyo hal-doorka xisbiga iyo cid kasta oo khusaynaysay, guddidii hore ee aanu soo saarnay waxay ahayd 19, markii hogaanka xisbiga loo jeediyay inay kordhiyaan guddida qaban-qaabada ee Kulmiye oo lagu daro 8 xubnood, meelo badan oo ay cabashooyin ka yimaadeen awgeed, dabadeedna ay noqoto 27 xubnood, guddida fulinta ee Kulmiye waxay isku raaceen oo ay ansixiyeen in guddida qabanqaabadu noqoto 27.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Sidii loogu codeeyay, 31 way ogolaatay, 2 way ka aamustay, Guddoomiyuhuna muu codeynin, sidaas ayayna ansax ku yihiin in guddida qabanqaabada shirwaynaha Kulmiye noqoto 27 xubnood.

Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye waxaanu ku kordhinay 7 xubnood oo aanu ka soo qaadnay ururradii ku soo biiray xisbiga, Rays, Dalsan iyo Umadda, waxaanu ahaa go’aan aanu ku heshiinay. Waxaanan uga mahadnaqayaa inay wax badan ka tanaasuleen wixii aanu ku heshiinay, si aanay waxani nooga biyo dhicin. Waxa kale oo guddida fulinta xisbiga Kulmiye lagu kordhiyey shan xubnood oo xisbiga ah, wax dhintay iyo wax siyaalo kale uga baxay ah oo badalkoodii ayaanu buuxinay, sidaa ayaa guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye ku noqday 35 hore iyo 7 lagu kordhiyey 42. Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa qolada xukuumadda ee la odhan jiray xisbiga way ka tageen nimanka dhibtu ku dhacday ayay ahaayeen ilaa Madaxwaynahooda, saddexdaa habeen ee u dambeeyay murankaa iyo hawshaa adag waxay ku tusaysaa in Kulmiye mid yahay.”

Isagoo ka hadlaya xisbiga KULMIYE iyo miisaankiisa wuxuu yidhi, “Xisbiga Kulmiye, maaha xisbi dhul gariir ka imanayo, haddii aanay xisbiyada kale dooda aqoonin, haddii aanay xisbiyada kale sharciyadda isku qabsan, haddaan dadka kale qayladooda la maqal, Kulmiye Caado ayay u ahayd in dood kulul iyo shir kulul ka dhaco, go’aan wanaagsanina ka soo baxo.

Waxaan u sheegayaa saaxiibadayada Xisbiyada Mucaaradka ah oo muddo iibinayey waxaanu diyaarinay sariirihii dhaawaca Kulmiye iman doono, waxaanu idiin sheegaynaa sidaa aanu ku bilownay ayay ku dhamaanaysaa, horena waad u taqaaneen oo Kulmiye oo shiraya dhulku ma gariiri waayin, natiijo fiicana kama soo bixi waayin, markaa waxaanu u sheegaynaa qaranka waxa u dan ah, oo umadda Somaliland waxa dan u ah in Kulmiye inuu go’aan wanaagsani ka soo baxo, caawana (Xalay) kii la rabay ayaa ka soo baxay.

Mid kale ayaan idiin sheegayaa oo qolaada warbaahintu qaad-qaado, ama qolada Mucaaradku ay ka dhigtaan Naawilo, oo ah qolada Kulmiye iyo xukuumaddu way is hayaan, ina Biixi iyo Ina Kaahin ee halkan lagaga tagay, xisbiga Kulmiye Madaxwaynahiisa iyo Guddoomiyihiisa xisbi iyo taageerahiisu talo midaysan ayay leeyihiin, talada caawa (xalay la soo saarayna Kulmiye meel uu joogaba wuu u dhammaa, Madaxwaynaha ka soo bilow ilaa ka ugu hooseeya ee taageera ah mid aanan dhageysan codkiisa iyo talo soo jeedintiisa ma jirin, manaanan qaadan go’aanka ilaa intaasi oo dhan aan wada dhageystay. Markaa waxaan idiin sheegayaa xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddu waa mid, xisbiguna hawlaheeda wuu ku kormeerayaa xukuumadda.”

Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, madaxweyne xigeenka ayaa isna yidhi, “Haddii aad Maqasheen waala is hayey, ishayntaasi annaga ceebtayada maahee waa caadadayada haddii aanu Kulmiye nahay inaanu murano oo aanu is qabqabsano oo aanu doodno.

Xisbigayagu wuxuu xisbiyada kale dheer yahay oo aanay faan naga ahayn, in xisbiga Kulmiye tiro go’an la yaqaano leeyahay oo golle dhex ah, sharci lagu kala baxo lahaa, taas ayaana noo fududeynaysa inaanu halkaa ka sii qaadno (Hawsha) oo aan dib loogu murmin, laakiin sharciyadda waad taqaanaa oo waa lagu murmaa oo ninba dhan ayuu ka akhriyaa, laakiin 48-kii saacadood ee u dambeeyay waxaanu ku guuleysanay inaanu afkaartayada isku soo dhaweyno oo aanu midayno, tiina waxay suurtogalisay inaanu caawa (xalay) inaanu isku raacno tiradaa guddida ee la sheegay. Cidna ma wadano annagu, xukuumaddu dhex ayay u tahay xisbiga.”

Magacyada 27-ka xubnood ee Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha KULMIYE

 1. Aamina Yuusuf Aar

2. Faarax Yuusuf Nuur (Xadhigle)

3. Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

4. Abubakar Xaamud Jibriil

5. Sahal Maxamed Jaamac

6. Farax Faarax Cali

7. Dr. Cumar Cilmi Dixood

8. Cabdirisaaq Waabari Rooble

9. Xil. Saleebaan Cawad Bukhaari

10. Amaal X. Axmed Miisaan

11. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdi Giirre)

12. Xil. Maxamed Jaamac Cabdi

13. Xil. Siciid Cilmi Rooble

14. Cismaan Garaad Soofe

15. Xil. Maxamuud Axmed Obsiiye

16. Mustafe Faarax Dhoorre

17. Xil. Ibraahim Axmed Haybe

18. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

19. Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa

20. Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley)

21. Maxamuud Axmed Saalax

22. Yaasiin Maxamuud Cabdi

23. Ibraahim Cawke

24. Fu’aad Maxamed Cumar

25. Yuusuf Nuur Maxamed (Gurruuje)

26. Xasan Mowliid

27. Cabdiraxmaan Maxamuud Carraale

Comments are closed.