Hargaysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) ayaa deeq gaadhsiiyay qoys danyar ah oo uu ka gubtay gurigii ay degenayeen.
Qoyskan shalay Xildhibaan Nac-Nac soo gaadhsiiyay deeqdan Lacagtaa ayaa ah Qoys Danyara oon awoodin in ay Ka Soo kabtaan Gurigaasi ka Gubtay,waxaana ay sheegeen in Dhamaanba wixii guriga yaalay uu gubtay,iyaga oo bulshada ku nool daafaha dunida baaq u jeediyay oo ah in ay soo caawiyaan.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo uu weheliyay Oday Axmed Caalin ayaa tilmaamay in markii loo sheegay in qoyskani yahay mid danyar ah uu soo gaadhsiiyay deeqdan guriga loogu dhisayo,waxaana uu soo jeediyay dadka tabaalaysan in hoos loo eego,isaga oo bulshada ugu baaqay in ay Gacan ka gaystaan sidii qoyskan loogu gargaari lahaa.
Qoyskan uu gurigu ka kubtay waxa ay haystaan 5 caruur ah,aabaha dhalayna ma awoodo inuu u helo wixii qutul duruuriga ahaa, hadana waxa ugu darsamay gurigii ay u hoyan lahaayeen inuu ka gubto,dadka muxsiniinta ah ee u adeega dadka jilicsan,waxa ay baaq ugu dirayaan in ay soo kaalmeeyaan si iyana ilaahay u kaalmeeyo.
Wixii Tababarucaad Ah Ku Soo Hagaaji:- 4027525