Falastiin Oo Xidhay Masuul Ka Tirsan Oo Israa’iil U Basaasay

0
548

Maamulka Falastiin ayaa  xabsiga u taxaabay  mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Falastiin kaas oo la sheegay inuu si qarsoodi ah ugu basaasi jiray maamulka Isra’iil.

Jariirada Al Ayyam ee kasoo baxda dhulka Falastiin ayaa sheegtay in mas’uulkan oo aan weli magaciisa la shaacin uu muddo 20 sano ah u soo shaqaynayey xisbiga PLO ee Falastiin.

Waxaa la sheega in mas’uulkan uu kamid ahaa kooxda PLO u qaabilsan wadahadalka nabadeed ee u dhaxeeyey Falastiin iyo Isra’iil. Sida ay qorayaan saxaafada Falastiin ninkan ayaa qirtay inuu sirta siin jiray Isra’iil.

Xadhiga mas’uulkan ayaa kusoo beegantay labo todobaad kadib markii sidan oo kale loo xidhay nin kale oo isaguna la sheegay inuu wax basaasayey.