Xildhibaan Nacnac Oo Lagu Maamuusay Shahaado Sharaf

0
699

Picture3Hargeysa(Geeska)-Urur ay ku bahoobeen  dhalinyaradii ka soo qalin jabisay jaamacadaha dalka iyo dibadiisa ee degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa,  ayaa shahaado sharaf ku maamuusay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan mudanayaasha aqalka wakiilada.

Munaasibada shahaado sharaftan lagu guddoonsiinayay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka qabsoontay hudheelka Hadhwanaag ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka diinta iyo awqaafta, guddoomiyaha hay’ada abaabul ka saarka qaranka, wasiirku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada, guddoomiyihii hore ee hay’ada tayada, masuuliyiin iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Ugu horayntii munaasibadaas waxa ka hadlay maamulaha dugsiga sare ee Quule Aadan Cabdilahi Ibraahim xaaji Xasan oo halkaasi ka soo jeediyey hadlo aad u qiimo badan sheegayna in xildhibaan Nacnac uu yahay xildhibaan wax badan u  qabatay bulshadii soo dooratay,  sidoo kalana waxaa uu bulshda ku booriyey in xukuumada hada talada haysaa ee uu hogaamiyo  Axmed Maxmed Maxamuud Siilano ay tahay xukuumad ay wax la qabsan karaan  ay tahayna xukuumada kaliya ee wax la taban karo u qabatay  bulshada Somaliland.

Dhinaca  kale waxaa munaasibadaasi ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin maamulaha dugsiga sare ee Aljazira Khaddar Xaaji Yuusuf,guddoomiyihii hore ee haayada tayada Saleebaan Siciid Mire  iyo guddoomiyaha guddida dib u dhiska wadada  isku xidhi doonta Hargaysa iyo Balligubadle  dhaamaantoodna waxa  ay sheegeen in ay tahay munaasibadan shahaadada lagu guddoonsiinayo xildhibaan Nac-nac  mid uu mutaystay balse sababta loo guddoonsiinayo ay tahay in uu xildhibaanku halkaasi ka sii wado kana sii badiyo daddaalkii uu waday, iyagoo ku sifeeyey xildhibaan Nac-nac xildhibaan ka soo baxay wixii ay u igmadeen umadii soo dooratay.

Waxa kale oo intii munaasibadaasi socotay Khadka tilifoonka kaga qayb-qaatay munaasibada guddoomiyaha qurbo joogta dhalinyarada degmada Axmed Dhagax ahna wakiilka qaarada Yurub u jooga dallada guud ee dhalinyarada xaafada Axmed dhagax Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) waxaana uu sheegay in uu xildhibaanku mutaystay in la guddoonsiiyo shahaado sharaf iyo wax ka badanba isagoo xildhibaankana ugu mahadceliyey dadaalka uu had iyo gooraale waddo.

Wasiir ku xiggeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo halkaasi ka hadashay waxaanay ka warantay arimo aad u badan oo tilmaamaya daacadnimada uu ugu shaqeeyo dadkii soo doortay  xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac) iyo waxqabadka buuxa ee uu xildhibaanku u sameeyey bulshadiisa.

Sidoo kale waxaa hadal kooban oo nuxur badan ku fadhiya halkaas ka soo jeediyey wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed oo sheegay in wax qabadku yahay waxii ay bulshadu ku soo dooratay in uu xildhibaanku u qabto xafladana ay muujinayso tilmaamaysana in uu halkaasi ka sii waddo dadaalkaasi umadu uga baratay, waxana uu xusay wasiirku in sababta faraska loogu dhufto ushu ay tahay in uu ka sii dheereeyo socodka xafladana ay tahay ujeedadeedu mid looga jeedo in uu xildhibaanku dadaalkii uu hayey halkaasi ka sii libin laabo. Guddoomiyaha hay’adda abaabul ka saarka qaranka Md. Jamaal Caydiid Ibrahim, ayaa isna halkaas ka jeediyay khudbad uu dhalinyarada ugaga mahadceliyay shahaado sharafta ay u garteen xildhibaanka oo ku mutaystay wax qabadkiisa dhinaca arrimaha bulshada.

Guddoomiyaha dhalinyarada degmada  Axmed Dhagax Nageeye Maxamed Xassan  oo halkaasi ka hadlay intii aan shahaadada la guddoonsiin xildhibaanka ayaa ka waramay sababihii loo aas-aasay dallada uu guddoomiyaha u yahay  waxaana uu  sheegay in dallada aan loo aas-aasin arimo siyaasadeed balse loo curiyey in ay horumariso bulshada waxaana uu si faah-faahsan uga waramay qorshayaasha u dajisan in ay qabtaan hadda iyo mustaqbalka soo socda, horumar balaadhana gaadhsiisa bulshada ku dhaqan degmada Axmed Dhagax iyo gobolka Hawd.

Gabagabdii xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ah masuulka munaasibadan lagu maamuusay ayaa tilmaamay in aanu isba lahayn in uu yahay qof wax badan qabtay balse la tusay dushana laga huwiyey amaan badan oo aanu filayn taasina ay sabab u noqon doonto in uu halkaasi ka sii waddo dadaalka lagu sheegay in uu ku jiro waxaana uu yidhi“ Waxaa lay qabtay munaasibada shado sharaf laygu maamuusayo oo laygu gudoonsiinayo wixii aan qabtay waxaana aan is  leeyahay  wixii laguu doortay ee bulshadu kuu igmatay wali waxba kamaad qaban laakiin caawa waxaa lay tusay in aan wax qabtay, laakiin noqon maayo qof dadaalkiisii halkaasi ku joojiya  oo halkii ayaan ka sii kordhin doonaa dadaalkayaga.”