Maayarka Hargeysa Oo Ka Digay In Dhismayaal Sharci Daro Ah La Dhiso Maalmaha Fasaxa

0
648

Picture4Hargeysa(Geeska)-Maayarka caasimada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Caydiid, ayaa ka digay in wax dhisme ah oo cusub oo aan sharci loo haysan la bilaabo maalinta jimcaha iyo sida oo kale in aanay caasimada ka shaqayn karin cagaf aan ka diiwaangashanayn dawlada hoose ee Hargeysa amaba aan fasax ka soo qaadan.

Waxa uu maayarku ugu baaqay shacbiga caasimada in dhismayaasha jimcaha la bilaabayo ay soo sheegaan,waxaanu sidan ka dul sheegay shisme aan sharciyad haysan oo la bilaabayay jicmihii shalay, isla markaasna ay ka shaqaynaysay cagaf aan sharci ka haysan dawlada hoose, waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi maayarku “Gabi ahaanba in maalinta jimcaha la bilaabo dhisme mid socday mooyaane waa mamnuuc sida aan hore u baahinay,dhisme kasta oo la dhisaayana waa inuu Faylkiisii sharcigu dul yaalaa,Cagaf aan  fasax ka haysan dawlada hoosana kama shaqayn karto goob ka mid ah caasimada, cagafta shaqaynaysaa waa inay qaadataa sharci ay ku shaqayso. Halkan waxaanu ugu nimid cagaf aan sharci naga haysan oo shaqaynaysa iyo dhisme aan sharci dul oolin oo la wado, waliba halkan oo ah aagii shacabka,waxaan leeyahay shacabiga caasimada meel kasta oo aad ku aragtaan dhisme laga bilaabayo maalinta jimcaha hala soo socodsiiyaan masuulyiinta dawlada hoose.”