Xildhibaan Nacnac Oo Ka Jawaabay Hadalka Boqor Buurmadoow

0
1143

 

 

 

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu yidhi  “Inuu dalku meel xun marayo waxaad ka garataa siday u hadlayaan Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedku, labada Xisbi Mucaarad haddii ay yidhaahdeen ha nalaga bedelo Ina Riyo-raac, kuma kalsoonina, xaq bay u leeyhiin, waayo ma aaminayaan oo Xisbi ayuu ka tirsan yahay, Boqorku wuxuu yidhi ma habar-jeclo ayaa la diidayaa, ee Boqor Buurmadaw waxaan leeyahay cid diidan Habar-jeclo ma jirto, Ina Riyo-raac oo qudhana Beeshu maaha ee aqoonyahano iyo mutacalimiin wey leedahay ee cid lagu bedelo Madaxweynuhu ha keeno,Ina Riyo Raacna kama wanaagsana  xubnihii awalba Xisbinimada lagu diidayey, waliba kuwaas reernimo laguma diidin, haddii aan yidhaahdo reernimo ayaa lagu diidayna waa khalad, waxaynu la soconaa in Xasan Siciid hore loo diiday, Beesha Arab may odhan anaga ayaa naloo jeeda ee waa la soo bedelay, Maxamed Cismaan Fadal waa la diiday, Beesha Habar-yoonis may odhan anaga ayaa naloo jeeda, ee waa la soo bedelay, imika oo ugu dambeeysay ayuu Muuse Biixi diiday mid ka mid ah labadii xubnood ee Guurtidu gudbisay, Beesha Warsan-gali may odhan anaga ayaa naloo jeeda, ee Boqor Buurmadaw waxaan leeyahay Ina Riyo-raac reernimo laguma diidana ee waa Xisbi yahan Kulmiye ah oo fog, oo aan dhex u noqon karin Xisbiyada Qaranka, ta kale Xisbiyadu ma diidana oo qudha Ina Riyo-raac ee xitaa waxay diidan yihiin inanta, maxaa yeelay inantu waxay ka mid tahay xubnihii hore ee Komishanka, ee Xisbiyada iyo Madaxweynuhu ka heshiiyeen, reernimana laguma diidana, ee Boqor Buurmadaw inuu qaabkan u hadlo aad baan ugu xumahay”.

Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey xaalada dalka ayaa yidhi “Ninkii yidhi ila meerayso, layaab muu lahayn,  waa la xidhay, in dadka masaakiinta ah la xidhana waa wixii aynu ka dhiidhinay, ee aynu Siyaad Barre kula dagaalanay, dalkiina ila meerayso ayuu galay, Madaxweynuhu ila meerayso iyo caragsi uu wado inuu ka tago weeye, ee maxaa buuqa iyo rabashka ina galinaya, waxay ahayd inuu si nadiif u bedelo xubnahan la yidhi soo bedel.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here