Xildhibaan Nacnac Oo Dhisme Cusub Ku Warejiyay Mujahid Dalka U Nafoobay

1
685

 

nac acHargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa shalay aqal laba qol ah oo dhamaystirin ku wareejiyey mujaahid Carab Qawdhan oo ka tirsan mujaahdiintii ururka SNM ee dalka iyo dadka u soo dagaalamay oo uu soo gaadhay dhaawac ka dhigay lixaad la’aan.

Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in dhismaha cusub ee loo dhisay mujaahidku ahayd mid ka timid dadka, isaga oo sheegay inay gacan weyn ka gaystay  shirkada wadaniga ah ee Dabashil, taas oo bixisay  inta ugu badan ee aqalkaas gashay. Xildhibaanka ayaa hore ugu amaanay shirkada Dabashil kaalinta ay ka ciyaartay u gar gaarka dadka tabaalaysan.

Nacnac oo ka hadlaaya dhismaha loo dhisay mujaahid Carab Qadhan ayaa yidhi “ “ Mujaahidkan isaga oo 18 jir ah ayuu dhaawacmay waa kaa aad arkaysaan, waa nin laxaad la’a dalkan ayuu u dagaalamay, waxa uu markii hore ku noolaa Cariish yar oo burbursan, ka dibna anaga ayaa ka damqanay dhibaatada haysata, waxaanu dhisnay hada waa laba qol oo goglan, waxa naga caawiyay shirkada Dahabshiil”

Geesta kale xildhibaan Nacnac ayaa intaas ku daray in guri kaas la mida loo wado gabadh ka tirsan mujaahidiintii SNM, kaas oo haatan gacanta lagu hayo dhismihiisa

Sidoo kale mujaahid Carab Qawdhan ayaa ka hadlay qaabkuu ugu biray ururkii SNM, waxaanu sheegay in aanu wakhtigan ku niyad xumayn kaalina uu kaga jiro dalka, waxaanu yidhi “Anigoo 18 jir ah  oo reerkayagu leeyahay 100 Geella ayaan qoriga qaatay  si aan dulumiga dadkayga uga xoreeyo, maantana kuma niyad xumi dalka oo  waan taageersanahay”

Maaha markii koowaad ee sidan oo kale wax loogu qabto qaar ka tirsan dadkii wax ku noqdo halgankii uu ururka SNM la galay maamulkii Maxamed Siyaad Bare uu hogaaminaayey, waxaase jira dad ilaa hada aan waxba looga qaban halistii iyo dhaawicii ka soo gaadhay dib u xorayntii dalka.

Comments are closed.