Xildhibaan Nacnac Oo Dhismaha Wadadii Afraad Ka Bilaabay Degmada Axmed Dhagax

7
710

f465effca39a2940606aa2c5ab4da903Hargeysa(Geeska)Xildhibaan Axmed Maxmed Diiriye (Nac Nac) oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada ayaa shalay  wadadii afraad ee nooceeda ah ka bilaabay Degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.   Wadadan oo uu xildhibaanku hore ugu balan qaaday inuu hir galin doono ayaa dadwaynaha Degmadaasi  si wayn u saadilanayeen, ugu horayn waxa dhismaha wadadaaa ka hadlay gudoomiyaha degmada Axmed Dhagax Khadar Maxamed oo sheegay in wadadani wax wayn ka tari doonto isku xidhka degmada  Axmed Dhagax, sidoo  kalana waxa uu xildhibaan Nacnac uga mahad celiyey sida uu uga war hayo baahiyaha ka jira degmadaas. Gabagabadii waxa dhismaha wadadaa ka hadlay xildhiban Axmed Maxamed Diiriye (NacNac) oo sheegay in wadadani tahay tii afaraad ee ay ka hir galiyaan degmada Axmed dhagax isaga oo sheegay inay taageero ka heleen dawladda hoose ee Hargeysa waxaanu yidhi " wadadan aan imika dhismaheeda bilawnay waa tii afraad ee aanu ku hirgalino Degmada Axmed Dhagax runtiina waxa aanu taageero wayn oo dhinaca dhaqaalaha ku baxaya aanu ka helnay dawlada hoose ee Hargeysa oo markii aanu u sheegnay inaanu bixinayno daamurka oo ah alaabta ugu qaalisan ay iyaguna aqbaleen in wixii kale ee kharasha ay bixinayaan, wadadan waxa weeyaan mid rafa oo dadka waawayn iyo caruurtaba ku haysay dhib wayn anaguna waxaanu dadwaynaha ku dhaqan Degmada u sheegaynaa inaanu ka war hayno oo aanu diyaar uu nahay inaanu wax kala qabano baahiyaha dhinaca arimaha bulshada ee ka jira. " Xildhibaan NacNac waxa uuu u soo jeediyey dadwaynaha ku dhaqan Degmada Axmed dhagax inay wax qabsadaan dabadeedna wixii ka dhinma ay dawladu diyaar u tahay inay gacan ka siiso. 

Comments are closed.