DHAQAN WAA BAD MACAAN

0
898

 

MAANSO CUSUB: Abwaan Xasan Xaaji Cabdilahi Xasan Ganey
 
ganayGeeraarkani wuxuu soo baxay 01/09/2011 oo ku beegnayd 01/Shuwaal/1432 H Geeraarkan wuxuu kaga hadlaya arimo dhawra oo ay ka mid yihiin Diinta, dhaqanka, qabyaalada, faa’idooyinka midnimada, tahriibta, waalid caasiga, sayga  iyo oorida wanaagsan, colaada sokeeye, qaranka iyo dawladnimada, nabada iyo hormarka, xoogsiga iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena ku duugan iyo qaybo kale oo ka mid ah arimaha bulshada iyo siyaasada. waxaana qoray Maxamad Axmad Xasan (Qodax) waxaanu ku bilaabmayaa sidan:-
 
Allaa Diinta dhameeyoo,
Furqaanoo dhidibkiiya,
U soo dhiibay Rasuulkoo,
Muslimku wuu ku dhaqmaaye,
Iyada gaalo ka dhoohanoo,
Laga dhaadhicin waayoo,
Rabbi baan dhadhansiin,
Ifkuna waa dhalanteed iyo,
Meel dharaaro la jooga’e,
Dhabtu aakhiro weeyoo,
Ruuxba tii uu dhigtaabuu,
Dhaxalkeeda hellaa.
 
Qof xaaraan dhibqiyaana,
Dhamacbuu cunayaaye,
Dheefi waa ta xalaala,
Dhedigna waa ka xishoodee,
Dhegta xeeri yidhaahdee,
Dhawrsoonee is Ilaashee,
Mida dhiirro tidhaayee,
Dheeshu ay la fogaatee,
Dhunkaal mooda macaanee,
Dhooba qaada xumaanta,
Waxa ay ku dhahaan,
Dhihi maayo anuuye,
Meel xunbay is dhigtaayoo,
Dhabarkay ka jabtaa.
 
Dhalaankuu Alleh siiyay,
Qoys dhooldhoolin ogaayoo,
Dhaaxa soo korinaayoo,
Dharaartay nasin layd,
Dhashoodii ku xumaatay,
Dib hadday u dhibaan,
Dhabankuu shanta saariyo,
Dhaygag waa la walaal,
Dhawaaq waalid ma raagee, 
Iyana way ku dhacdaa,
Inkaartay ku dhejaan.
 
Nin dhabeel calaf siiyayoo,
Dhaqaalaysa naftiisiyo,
Dhoongo kay is muteenee,
Habeen layl ku dhilayso,
Dhawaaq hiif iyo cay loo,
Wadnaha soo dhufanaaya,
Labadaa dhaxdintooda,
Markaad dheeho tidhaa,
Dhafoorkoodiyo muuqiyo,
Dharka ay xidhanyiinbaa,
Dhaayaha u kala sheegta.
 
Dhabcaal tii u tagta,
Qorqode aan waxba dhiibinoo,
Dhoqorjaa ku ah biilka’oo,
Dhuubka loo karinaayo,
Ka dhamaanin dushiisa’oo,
Isagu haysta dhuraha’oo,
Maalintuu dhergi waayana,
Dhabanaansha hadhkiiyoo,
Dhabaqo raaska ay taalo,
Jaarkaa u dhumo daloolee,
Ku dhawaaqa haweenku,
Calooshaa dhiman maantoo,
Dhugtu waa iyadii.
 
In kastooy dhebi hawriyo,
U eekayd Dhud-Madheedha,
In kastooy midab dhiinoo,
Dhalaalaya ahayd,
Dhuxulbay noqotaayoo,
Way dhadhaa quruxdeeduyoo,
Saantu way ku dhegtaa.
 
Markay dhiilo timaadee,
Dhulka loo hunguroodo,
Ragna uu isku dhaarto,
Ninka dhoobirka qaatee,
Dhuun galeeya colaadee,
Dhogor yeesha libaaxee,
Dhacso taada yidhaahdee,
Ka dhaqaaja cadaawe,
Dhagartooda ku faanay,
Xiniinyuhu dhibayaane,
Dagaalkii ninka dhuuntee,
Dhawihiisa u xaytee,
Kolba ruux dhangadeeyee,
Odayaasha dhirbaaxee,
Dhikilo buuran u yeesha,
Fule dhiigyo cab sheegtoo,
Nabada dhiirada weeyi.
 
Dhoolna waa ka hilaacee,
Dhibic xiinka aad yaabto,
Ku dhabaandhaba ciida’ee,
Dhijaamaha wada buuxshiyo,
Dhoodi jiifta xareedoo,
Beel aan ceel u dhawaynoo,
Dhalaal haynin  biyo ana,
Dhaankooda u nageeya,
Dhuub udgoona ka saara.
 
Dhadana waynu ognahayoo,
Geedaha dhuuxa madoow iyo,
Dhinbiliisha goloolkiyo,
Dhaameelkuu qalajaa,
Dharabkay ka tagtaa.
 
 
Dheri kii u qalqaala,
Seddexdiisii dhadhaar,
Midkii uu dhimanyahay,
Isagoon dhidbanayn,
Dul dhig ruuxa yidhaahda,
Dhacyoo waa la hubaayoo,
Dhambalaha kala jeexyoo,
Dhalaan gaajo u haysayna,
Dhuunigii ka khasaaryoo,
Dhugmada ruuxaan lahayn,
Garashaa ka dhantaalan,
Ooda aan dhababnaynee,
Nugushahay dhacanteeduna,
Kama baydho dhurwaagu.
 
Taladaan dadku dhuuxin,
Een dhaabadeedu adkaana,
Dhicisbay noqotaa,
Dhalandhoolka hayaankana,
Markuu dheeliyo awrku,
Dhagax geestan ka saar,
Dhoomuhu hays celiyeene,
Dhimirkaa yidhi yeel,
Dhaqanna waa bad macaan iyo,
Dhabbo looga arooro,
Awoowgeen dhaxalkiisee,
Dhayal kii u naca,
Dhaadhaanbaan u aqaane,
Isna dhoorku ha daalo.
 
Dhayna waa Ramad Geel,
Nin dhamaana ku naax,
Kii dhaqdaana u ay.
 
Dhuba qaadka tixdayda,
Haddii aan ku dhawaado,
 
Dhulku waa ma huraan,
Qofku wuu ku dhashaa,
Marna wuu ku dhaqmaa,
Marna wuu ku dhalaaye,
Nin shisheeye dhugtaa,
Heli waa wax u dhaamee,
Dhoof baad caashaqsantiin,
Dhamaantiin Markab qaada,
Hadduu soo dhigto xeebta,
Waad ku dhuuman lahayd,
Inna way dhiman lahaydoo,
Badweyntaa dhufan laydoo,
Dawladaad dhaliseenee,
Dhayasha u bixiseenee,
Mar labaad dhirifkii iyo,
Dhalandhool iyo raacdiyo,
Dhafoor taabashadiyo,
Dhiidhigeedu adkaadee,
Loogu raagay dhufayskee,
Dheecaan geesi ka daatiyo,
Loogu fool dhaqay dhiiga,
Soomaydaan dhugateen.
 
Dhuba qaadka tixdayda,
Haddii aan ku dhawaadana.
 
Qabiil waa dhidh xumaadiyo,
Dhaawac beerka ku yaaloo,
Haddii aad ku dhayayso,
Midnimaa dhakhtarkiiyoo,
Iyadaa dhayi laydoo,
Asaagiina dhaqaaqee,
Dheelmadee cirka gaadhaybaad,
Dhinac joogsan lahaydee,
Waad ku dhaadan taqaanoo,
Dhaaxa waad jeceshiinoo,
Sida dhooray Magaaliyo,
Dhoocishaad u xintantaanoo,
Dibna ugu dhacdeen.
 
Dhigiinood baridaanoo,
Gacmaha hoos dhigataan iyo,
Dhawrtana baahi ma reebtoo,
Dhanna kuu ridi waydaye,
Dhibtaa raaxada keentee,
Dhudhun waa ka shaqeeya,
Waxa Aboorku dhisaa,
Dudumooyinka dheeree,
Aragteen dhumucdooda.
 
Shinidaa malab dhaabtiyo,
Dhirta Awlal la jiifa,
Dhuunyaala is ka feeyee,
Wax haadaad dhaqataan,
Ood dhalmisaan shilinkiina,
Dhagagaa ku cuntaan iyo,
Dadartaad dhilataanee,
Soo dhacdeeda gurtaanee,
Dhalintii ku hagaastay,
Dhulka aad falataanoo,
Dhambal ciidda tidhaahdo,
Khayraadkiina dhex jiifiyo,
Dheemanta Buuraha daadsan,
Waad u dhaadhici laydoo,
Dhereg waydin ag yaalee,
Dhaadad ka oon ku jabnayn,
Oo laxaadkiinu dhanyay,
Ayuunbaad dhutisaane,
Dhaliishaada xambaaroo,
Dhiirriyaay isla yaaboo,
Dhakhso oo dadka raac.