Xadiga Lacageed Ee Ay Shirkado Kala Duwani Ku Baayaceen Xarunta Wasaarada Duulista

0
495

 

Hargeysa(Geeska)-Gudida qandaraasyada qaranka ayaa shalay soo bandhigay iibka dhulka xarunta wasaaradda duulista iyo hawada iyo weliiba dhismaha xarunta wasaaradaas loo dhisi doono marka dhulkeedan la iibiyo.

Munaasibad loo qabtay shaacinta iibka xarunta wasaaradda iyo weliba dhismaha xarunta cusub, ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin, shirkado kala duwan oo ka mid ahaa kuwa xiisaynayay dhismahaas dawladda ee la iibinayay iyo shakhsiyaad kale.

Guddoomiyaha guddiga qandaraasyada qaranka Md. Aadan Cabdilaahi Xasan, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kulankani yahay shaacinta qandaraasyadaas,  “Waxaynu  iskugu nimid in aynu furno qandaraaskii dhulka ama dhismaha ay wasaarada duulista iyo hawada hore ugu jirtey ama ay haddaba ku jirto oo la gartay in laga guuro oo meel kale loo dhiso. taariikhdii dhismahan waxa la dhisay bari hore waxaana loo dhisay shirkadii Somali Airline.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay  “Waxaad maqli jirteen dhulbaa la kala iibsadey ,dawladu dhul bay lahayd oo la iibiyay taa waxba u gali maayo xaruntan ayaan u iibinaynaa si sharciya, waxaan u haysanaa qodobo sharciya oo ay ka mid yihiin qodobka 12-aad ee dastuurka qaranka oo dhigaya, dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya ummadda masuuliyadeedana dawlada ayaa leh. xukuumadu waxay awood u leedahay Gacan ku haynta hantida ma guurtada ah, iibkooda iyo kirayntoodaba.”

Guddoomiyuhu wuxuu halkaas ku soo bandhigay afar shirkadood oo codsaday in laga iibiyo dhismaha xarunta wasaaradda duulista iyo hawada, waxaana ugu lacag badnaaday muwaadin lagu magacaabo Maxamed Xuseen Axmed (Indha Birta), waxaanu sheegay inay dhawaan shaacin doonaan cidda ku guulaysata dhulkaas. Shirkadaha iyo siday u kala lacag badnaayeen ayaa kala ah:

1. Telesom $ 650,351.99
2. Faysal Cabdi Xasan $  650,000
3. Maxamed Xuseen Axmed (indha birta) $ 800,000
4. Raaxo form factor $ 451,999.99