Xildhibaan NAC-NAC Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey In Laydhka Caasimadda Laga Dhigo Dawli

0
477

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay dhibaatada Shirkadaha Laydhka qaarkood ku hayaan Bulshada.

Xildhibaan Nac-nac oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shirkadaha Laydhka qaarkood aanay ogolayn inaad Laydhkooda iska saarto oo aad Gurigaaga gashato Laydhka Shirkadda aan Lacageeda bixin karto, taasina tahay mushkilad taagan.

Xildhibaanku wuxuuu Madaxweynaha u soo jeediyey inay Dawladdu la wareegto Maamulka Laydhka Caasimadda, maaddaama oo Shacabku dhibaato ku qabaan shirkadaha Laydhka ee midna midda kale u ogolayn inay ka shaqayso deegaanka ay Xadhkaheedu maraan.

“Waxaan ka hadlayaa Laydhka,  waxaanu leenahay Madaxweynaha Shirkadda Dan-guud ha laga dhigo, haddayna ku heshiinayn iyagu (Shirkadaha Laydhku), waa inay Dawladdu la wareegto.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shirkadaha Laydhka bixiya aanay midna mid kale u ogolayn deegaanka ay ka shaqayso, sidoo kalena Qofka muwaadinka ahi aanu awood u lahayn inuu shirkadda u doonayo Laydhkeeda gashado “Annaga la nooma ogola inaan Shirkad kale tago aan idhaahdo laydh  noo soo geliya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu doonaynaa in laydhka Caasimadda ay Dawladdu la wareegto oo waxan oo buuq ah laga daayo..”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Shirkadda Laydhka bixisa ee TEC oo ka mid ah Shirkadaha Telesom ay qiimo ahaan Shacabka u qiimo jaban tahay marka la barbar-dhigo Shirkadda Sompower oo uu sheegay in Wasiirka Macdanta iyo Tamartu uu Shaqaale ka yahay “Sompower Wasiir baa halkan u fadhiya, waana Wasiir, Shirkadana wuu ka shaqeeyaa, markaa waxaanu leenahay wax isku mid ah ha laga qaado (Shacabka, Qiimaha Laydhka), Shirkaddana Dalkaba Kootada loogu xidhay, waxaanu leenahay dan-guud ha laga dhigo, haddii ayna ku heshiinayna waa in Dawladdu la wareegto oo Dadka wax siman laga qaado.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office