Safiir Ka Socda Dawlad Aad Uga Cadhootay Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan Oo Hargeysa Yimid

0
935

Hargeysa (Geeska) – Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Amb. Qin Jian ayaa Sabtida Maanta booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Qin Jian ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ee Cigaal kaga hor-tagay isla-markaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kuwaasi oo u soo galbiyey gudaha Caasimadda, sida loo sheegay Geeska Afrika.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo Fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaan ujeeddada socdaalkiisa la ogayn, laakiin Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmaya bil uun ka dib markii Dawladda Somaliland si rasmiya u shaacisay inay xidhiidh la samaysay Taiwan oo Shiinaha ka go’day, arrintaasi oo uu Shiinuhu aad uga cadhooday.

Mr. Qin Jian ayaa si khaas ah Baraha uu Bulshada ku leeyahay, gaar ahaan Twitter-ka ku baahiya hadallo uu ku muujinayo sida Dawladdiisu uga horjeeddo xidhiidhka Somaliland la samaysay Taiwan, sidoo kalena sidii xidhiidhkaa loo curyaamin lahaa kulamo kala yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Illaa hadda lama oga in Safiirku arki doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo in kale.

 

Geeska.net/Hargeisa Office