Xildhibaan NAC-NAC Oo Ka Hadlay Sicir-bararka Maceeshadda Oo Aan Weli Waxba Iska Beddelin

0
483

Hargeysa (Geeska) – Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid ahaa Mudanayaashii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in aanay sinaba suurtagal ku noqonayn in Somaliland iyo Soomaaliya dib u midoobaan, waxaanu xusay inay Madaxda Soomaaliya ay dhaqan ka dhigteen inay ka xumadaan horumar kasta oo u soo kordha Somaliland.

Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Madaxda Soomaaliya waxaa dhaqan iyo caado ka dhigteen inay cadho iyo xaasidnimo ka qaadan horumar kastoo Somaliland u soo kordha, dal kasta oo aynu danteena u aragnana weynu tagaynaa, danteenana waynu kala hadlaynaa, Madaxda Soomaaliyana waxaan leeyahay kumaan qof haddii ay nagaga dhimanayaan lagama yaabana inaynu isku soo laabano, ee riyo dhalanteedka ah ayaad ku jirtaan hore ayaana loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ee waanu Soomaaliya waxaan leeyahay waanu idinka tashanay,  ha nagu tashanina, ee idinku isku tashada,  Madaxweynaha Somaliland waan ku hamblayeynayaa safarkan uu ku tagay dalka Mareykana..”.

Mar uu ka hadlaayey maceeshada iyo abaaraha wuxuu yidhi “Maceeshu weli waa qaali, Ganacstaduna weli waxba may jabin, duruufo adag oo ay abaaruhu ka mid yihiina way jiraan ee ganacstada waxaan ka codsanayaa inay maceeshada jebiyaan..”.

Geeska.net/Hargeisa Office