Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Soo Dhaweeyay Wasiirka Cusub Ee Daakhiliga Loo Magacaabay

0
484

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada kana soo jeeda Gobolka Sool ayaa ka hadlay aragtidiisa ku saabsan isku shandhayntii Madaxweynaha iyo Wasiirka cusub ee loo magacaabay  Arrimaha Guddaha, waxaanu sheegay beeshiisu ay ka mid tahay Somaliland isla markaana xilkan iyo xilal kaleba ay xaq u leedahay.

ddddddddd

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey wada hadalada Somaliland iyo khatumo, waxaana ku baaqay in aad looga feejignaado oo looga warhayo cid walba oo wada hadaladaas carqalad ku ah, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Waa waxaynu sugaynay wada hadaladan iyo Somaliland oo is raacsan 25-kii sannadood ee Somaliland madax banaanayd, sharaf bay noo tahay in dadka aanu walaalaha nahay ee aanu isku haysanay Somaliland baynu nahay, oo maslaxadeenu waa Somaliland,inay nala garteen maanta oo ay mabdayin ay aamineen, waxaan leeyahay deegaanada aynu ka tirsanahay wey dib dhaceen, oo deeganadaas sannadkii waxa dhinta todoba boqol, oo xabadi disha, ama jahli dilaa, ama gaajo iyo cudur dilaa oo Cisbutaalo ma leh, Booramana Sannadkii ugu yaraan waxa Jaamacadaha ka soo baxa kun iyo shan boqol oo Arday, oo darajooyinka kala duwan leh sida PHD, Master, Digree, waana farqi aad iyo aad u kala fog, dadka ay tahay inay u fikiraan oo qoriga ay qalin ugu bedelaan waa dadka ILLAAHAY taladda ugu dhiibay, ee kala ah Siyaasiyiinta, Wax-garadka,Odayaasha iyo Aqoonyahanada, mar haddii aanu midoownay, waxaanu u midawnay, Somaliland mid ah iyo Deegaanada horumarkooda”.

Xildhibaan Maxamed Jaamac mar uu ka hadlaayey isku shandhayntii Madaxweynaha ayaa yidhi “Wasiirka  loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Guddaha, waa Prof:Yaasiin oo Somalilander ah, oo darajada meel hoose ka soo bilaabay, Badhasaabkii Laascanood noqday, Xildhibaan noqday ilaa Wasiir, waa nin aqoonyahan ah, oo nin Somaliland wax badan ka fahansan, waa nin oday ah oo waxyaabaha dhiman dhamayn kara, shaqsiyan waan ku hambalyeynayaa, oo waanu dhinaca taagan nahay,waxaanu doonaynaa in hufan oo nidaamsan ay Somaliland oo dhami ula shaqeeyso, oo aynu is garab taagno.

Somaliland maalinba taako ayey gudbay haddii beesha dhexe jagooyinkii waaweynaa isa soo dhaafiyeen, waxaan leeyahay waxaanu gaynaa Madaxweynaha, waxaanu geynaa Jagooyin waaweyn dalkana cid nagama laha”.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi mar uu ka hadlaayey Wasiirka hore ee arrimaha guddaha Cali Waran-cadde ayaa yidhi “Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde waa Wasiir waayo-arag ah oo Xukuumaddihii kala duwanaa ee dalka soo maray, Wasiirna ka soo noqday, Wasaaradda badana soo maray, waxaana hubaal ah in hadba Wasaaraddii loo igmado inuu ka soo baxo, oo uu waajibkiisa ka guto, markaas madaama maanta loo bedelay Safiir Somaliland ee Itoobiya waxaan xaqiiqo ah in xilkaas si wanaagsan uga soo bixi doono”

Xildhibaan Maxamed Jaamac mar uu ka hadlaayey wada hadalada Xukuumadda iyo Khatumo ayaa yidhi “Wada hadaladaas waanu soo dhaweeynaynaa, oo Xukuumaddu talaabo wanaagsan bay qaaday,waxaan se ku talinayaa in is fahan dhaco, oo aad looga feejignaado oo aad la iskaga ilaaliyo cid walba oo wada hadaladaas khal-khal ka dhex abuurto, ama isku dayda inay wada hadalada carqaladayso”.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay safarka Madaxweynaha ee uu ku tagay Gobolada Barri, waxaanu sheegay inuu Safarkani yahay mid qiimo badan, waxaanu dadka dega Gobolka Sool uu ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan