Hargeysa (Geeska)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ka hadlay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani oo la filayo in bisha Tobnaad ee sannadkan uu dhaco, waxaanu sheegay in Shirkooda Golaha Dhexe inuu noqon doono mid lagu wado qanco oo u qabsooma si cadaalada ah.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay isku shandhayntii uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa, waxaanu ka digay in Doorashooyinka wakhtigoodii la dhaafiyo,gaar ahaan Doorashada Madaxtooyada, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani waxa uu noqon doonaa haddii ILLAAHAY ka dhigo Shir ku bilaabma guul, kuna dhamaada guul, waxa uu noqon doonaa Shir si cadaalada ah u dhaca, oo lagu wada qanco natiijada ka soo baxda”.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa mar uu ka hadlaayey isku shandhayntii uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa ayaa yidhi “Haddii aan ka hadlo isku shandhayntii uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumadda, waxaad moodaysay Xukuumad curdin ah oo markaas taladdii dalka la wareegtay, waxaana wax aad loola yaabo ah in isku shandhayntani xadka ka baxday, oo ay Xukuumaddani noqotay Xukuumaddii ugu badnayd ee isku shandhayn sameeysa,waxaana dhab ah in Wasiiro xataa aan shaqaalahoodii aan wada baran in markiiba la bedelay, laakiin mida qudha ee aan isku shandhayntan ku soo dhaweeynaya waa Wasiirka Arrimaha Guddaha ee cusub ee la magacaabay, iyo Beeshiisa oo aan leeyahay xilkan iyo xilal kaleba wey u qalmaan”.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka ayaa yidhi “Maxkamadda sare ee Somaliland Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada wakhti bay u cayintay,in wakhtigaas la tixgeliyo oo la ixtiraamo weeye, haddii labada Doorasho la wada qaban kari waayo muhiimadu waa in la qabto Doorashada Madaxtooyada madaama wali arintii saami-qaybsiga aan xal laga gaadhin”