Xildhibaan Mataan iyo laba nin oo kale oo uu Baabuur la gaddoomay

0
723

Hargeysa(Geeska)-Waxa uu maanta gelinkii dambe gaadhi kula gadoomay jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan) iyo laba nin oo kale oo ku sii jeeday magaalada Burco si ay u xoojiyaan gobalka HAWD oo beri ciyaarta kama dambaysta ee koobka gobalada ay iskaga hor imanayaan gobalka Maroodi Jeex.

Xildhibaan Mataan waxa safarka ku weheliyay Maxamed Cali Madoobe iyo  Nuur Gurey Iimaan, waxaana la sheegay inaanay xildhibaan Mataan dhaawacyo culusi soo gaadhin marka laga reebo jugo aan badnayn, laakiin waxa ay madaxa dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen labada nin ee kale oo yaala cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Xildhibaan Mataan iyo labada xubnood ee kale oo watay baabuur SURF ah oo uu leeyahay xildhibaanku, ayaa wax aay ku sii jeedeen magaalada Burco si ay uga mid noqdaan taageerayaasha gobalka HAWD oo beri ciyaarta finalka la yeelayanaya gobalka Maroodi Jeex.