Dr. Gabose oo la kulmay garabka dhallinyarada ee ururkiisa

0
788

Hargaysa( Geeska ) Ururka Umadda ee uu gadhwadeenka ka yahay Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa xaflad balaadhan u qabtay dhalinyaro tiro ahaan ku dhawaa  700  oo gabdho iyo wiilal isugu jiray.

Xafladan oo shalay ku qabsoontay Hotel Kaah ayaa ay masuuliyiinta ururku shaaciyeen inay tahay maalin ay ugu talo galeen dhalinyada oo uu urur Umaddu sheegay inay muhiimad balaadhan  siinayaan, waxaana xaflada si heer sare ah u soo agaasimay garabka dhalinyarada ee ururka Umadda oo u muuqda kuwo isku xidhan oo awood badan.

Gudoomiyaha ururka Umadda Dr.Gaboose oo xafladaas kula hadlay dhalinarada ayaa ka dayriyay xaalada nolaleed ee wadanka, waxaanu dhalinyarada u soo jeediyay in aan doorashadan  oo kale aan la qabanayn muddo toban sano ah, sidaas daraadeed ay ku da’daalaan sidii ay masiirkooda manta uga talin lahaayeen.

Iid  Muuse oo ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee ururka Umadda oo bilawgii ka hadlay  xafladaas ayaa soo jeediyay inay aad u soo dhaweynayaan dhalinyarda isala markaasna uu ururkoodan la dagaalami doono camal la’aanta iyo faqriga wadanka kajira waxaanu gudoomiye iid sheegay in ururkoodu uu yahay ururka kaliyaata ee ilaa hada soo bandhigay qaab dhismeedkiisa.

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee ururka Umadda Cabdirashiid Muxumed Cali oo xafladaas hadalo kooban ka soo jeediyay ayaa siweyn dhalinyarda ugula taliyay inay hankooda iyo aqoontoodaba ay kor u qaadan ayna baadhaan wadooyinka hurumarka, maadaama oo ay doorasho soo socoto amaanka ay ilaaliyaan.

Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo gabagabadii xafladaas kala hadlay dhalinyarada ayaa hadalkiisa ku bilaabay siadan  “ Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo in dalkasta illaahay ku beeray umad kuwaasa xil ka saaran yahay siday u camiri lahaayeen dalkooda, ilma Nabi Aadam qaarbaa sharaf iyo karamo dhulka dushiisa kaga nool oo sahan ugu jira siday xidigaha u degi lahaayeen, qaarna quutal daruurigii yoomiga ahaa ayay la’yihiin, hablahooda ayaa is fool raaca, ubadkoodii ayaa shaqo la’aan tahriib iyo isla hadal iyo maqaaxiyaha wakhtigoodii qaaliga ahaa ku lumiya.Hada ogaada dhulkaas ay ku fadhiyaana waxa laga yaaba dhulkaa kale inuu ka qaalisan yahay, binu aadamku meel uu ka faqriyo waxa ugu xun garaadka weeye, shaqadii way taalaa, Sibidhkii iyo Kaluunkii way yaalaan biyahii iyo daadkii waa ay socdaan haddana abaar iyo gaajo ayaa lagaga nool yahay iyo jiro iyo xanuun ” ayaa uu yidhi Dr.Gaboose waxanu intaas ku daray “ Waxaan idiinsheeegayaa doorashadan sharcigu waxa uu qorayaa manta markay idin dhaafto toban sano kadib ayaa doorashadan oo kale lagalayaa, waxaad qiyaastaan cimrigiina toban sano oo maamulku idinka xumaado waxa idin haysan doona, waxaad qiyaastaan magaalada Hargaysa toban sano oo qashinku isa sii tuulo oo noqota goob aan caafimad ahaanba lagu noolaan karin, waxaad milicsataan wadooyinka magaalooyinkeena iyo dalkeena oo meel laga maro inta la waayay hogag sidaad uga leexanaysid aad shilal ku wada galaysaan oo anigan idin ag jooga anigoo wasiirkii ugu cuslaa dawlada ah hog anigoo ka leexanya gaadhigu ila dhacay oo in aan ku dhinto aan ku sigtay, waxaad eegtaan toban sano oo illaahay inagama xumeeyee oo daarashadu inaga xumaato waxa ina sugaaya.” Ayaa uu yidhi, waxa kale oo intaas raaciyay inay doorashadan xooga saaraan sidii ay wadanka masiirkiis uga talin lahaayeen “ Waxaan idiin sheegaa toban sano kahor inay doorashadan oo kale dhacday markaa dalku garbuu lahaa wayo aqoon looma lahayn, warshadaha aqoontuna ma soo saarin kumunyaal idinka ah ee dhameeyay jaaacadaha ee ku jira jaamcadaha ee dugsiyada sare ka baxay, jiilalasha intaas leeg ee toban sano abuurmayay ma garbaa in ay doorashadan u dhacdo sidii tii toban sano kahor nooceedii oo kale.”

Gabogabadiina  waxa uu u soo jeediyay dhalinyardii xafladas isugu timi Dr.Gaboose inay da’adaal ku baxiyaan sidii ay aqoontu u shaqayn lahayd si looga  baxo  faqriga  camal la’aanta.