Madaxweyne Siilaanyo Oo Baaqii Xisbiyada Dhegaha ka Furaystay

0
721

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa iska dhego tiray baaqyo uga yimid saddexda xisbi qaran oo uu ku jiray xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE iyo labada xisbi mucaarad ee UDUB iyo UCID, ka dib markii uu shalay dhaqan geliyay wax ka bedel iyo kaabis  lagu  Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011 oo uu ku jiro qodob ay xisbiyadu dhibsanayeen.

godka

Saddexda xisbi qaran ayaa hore uga qayliyay qodob ku jira xeerkaas oo nuxur ahaan dhigaya in mudanaha golaha wakiilada ama goleyaasha deegaanka ka tirsan ay u banaantahay  inuu furan karo urur siyaasadeed cusub ama  uu ka bixi karo Urur/xisbi siyaasadeed ee uu doono mar kasta oo la furaayo tartanka siyaasadeed ee G/deegaanka. Qodobkaas ayaa waxa hore u cambaareeyay labada xisbi mucaarad ee UDUB iyo UCID iyagoo ku dooday inuu xeerkaasi cid gaar ah u danaynayo. Xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE ayaa isna wakhtigaas ka digay halis ka iman karta qodobkaas.  “Mudanuhu waxa uu golaha ku fadhiyaa codkii xisbiga keenay oo aanu meel kale ula guuri Karin. Isagu xisbiga waa uu ka bixi karaa qof ahaan, laakiin xildhibaanadu mar walba waxay ku hadhaysaa xisbiga.” Sidaas waxa lagu yidhi qoraal uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi soo saaray dabayaaqadii Oktoobar ee la soo dhaafay, waxaanu intaas raaciyay “Kaabida golaha ka soo baxday waa in ay arrintaa cadaysaa, si looga hor tago muran siyaasadeed iyo khilaaf dhibaato keena. Hadda sida ay ku soo baxday ma cadda in xildhibaanimadii ku hadhayso xisbiga. Waa in aanu xildhibaanna codkii dadku ay xisbiga siiyeen ula guuraan meel kale, taasi xaqdaro ayey ku noqonaysaa codbixiyeyaashii. Xisbiga KULMIYE wuxuu ku talinayaa in arrintaa wada tashi laga yeesho dhinacyada ay khusaysaa inta aanay majaraha sharci dhamaysan.”

Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah ku simaha guddoomiyaha UDUB oo isna toddobaadkan ka hadlay qodobkaas ayaa wuxuu Madaxweynaha uga digay inuu saxeexo, waxaanu yidhi  “Waxaan leeyahay Madaxwayne haddii aad xeerkaa sexeexdo adigaa la qabba, maalintii aad lahayd laba qodob ayaa wax laga bedalayaa ee lagu darsaday afarta qodob, haddii aad labada qodob (Labada qodob ee Madaxwaynuhu hore u codsaday in wax laga bedalo) ansixin waydo oo aad afartaa qodob ansixiso, waxa meel lagaga dhacay xuquuqda dadka, waayo xildhibaankii xisbi ka tagga nin-baa sugaya, markaa waxaan ku leeyahay Madaxwayne haddii aad saxeexo wadanku fowdo ayuu galayaa oo ninka xildhibaanka ahi iska bood-boodo, markaa xeerkaasi maalinta aad saxeexdo aynu u wada joogno, maalintii la celiyeyba waxbaa ku hoos jiree.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna dhawr goor oo kala duwan cambaareeyay qodobkaas isagoo Madaxweynahana ka codsaday inaanu ansixin qodobkaas oo uu sheegay inuu cid gaar ah u danaynayo.

Si kastaba ha ahaate Madaxweyne Siilaanyo wuxuu shalaydhaqan-geliyey Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011, waxaanu warsaxaafadeed uu soo saaray ku cadeeyay inuu dhaqan geliyay guud ahaan xeerkan oo uu ku jiro qodobkada ay saddexda xisbi ka cabanayeen. Waxaana halkaas ka muuqata in Madaxweyne Siilaanyo dhegaha ka furaystay baaqyadii xisbiyada oo uu ku jiro xisbiga uu ka soo baxay ee KULMIYE.