Agaasimaha Waxbarashada Oo Ka Hadlay Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Maanta Xidhmaya Iyo Dugsiga Farsamada Ee Burco

0
624

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed,ayaa ka hadlay mashruuca iyo dhismaha Dugsiga farsamada gacanta ee Burco, ee la sheegay in  Hargeysa loo soo wareejinaayo, waxaanu tilmaamay in waxba kama jiraan uu yahay arinkani, oo aanu jirin mashruuc laga qaadayo Dugsiga farsamada Burco.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Abokor Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo ku sugan Magaalada Burco, ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalkiisa iyo Imtaxaanka shahaadiga ah ee la filayo inuu maanta dhammaado, waxaana uu ugu horeyn yidhi “Dugsiga farsamada gacanta ee Burco waa Dugsi shaqeeya, sannadihii ugu dambeeyeyna uu shaqeeynayey, intii Somailand ka horeeysayna wuxuu ahaa Dugsi shaqeeya, Dawladda Jarmalka ayaana inoo dhistay wakhtigii hore, intan dambena Dawladda Somaliland inay ka shaqeeysiiso dadaal fara badan bay galisay, dayrkiisi baa la dhisay, dayac-tir baa lagu sameeyey, qalab fara badan baa la dhigay, Arday kala duwan oo baratay xirfadaha kala duwan yaa ka qalan jabiyey, oo ka baxay, imikana laba boqol oo arday oo barta xirafaha kala duwan ee farsamada gacanta ayaa dhigta dugsiga sare, oo iyana qalan jabinaya, markaas Xukuumadda Somaliland iyo Wasaarad Waxbarasho ahaan muhiimad buu noo yahay Dugsigan farsamada gacantu, mana jiro mashruuc iyo dhisme loogu tagalay Dugsiga farsamada gacanta Burco oo Hargeysa loo wareejiyey, waxaa kale oo aan maqlaayey dad leh qaar ka mid ah Guddida Dugsiga ayaanu soo wareeysanay, oo noo sheegay in mashruuca laga wareejiyey dugsiga, waana been abuur laga been abuuranayo Guddida, anagu marar badan baanu Guddida kulanay, xaqiiqda mashruucan iyo dugsigana wey la socdaan, mashruucan aadka loogu dawakhsan yahay ee laga sheekayey ee GIZ,, wali wada halaladiisi baa socda, markaas ma cadda mashaariicda rasmiga ah ee uu Somaliland ka qabanayo wali Xukuumadda iyo GIZ, iskulamay qaadan, markaas waxay Burco xaq u leedahay inay Xukuumaddu wax ugu darto mooye ma dhacayso in wax laga wareejiye, ee Masuuliyiinta Waxbarasho ayaa Gobol kasta noo joogta, Masuuliyiinta Waxbarasho ee heer Qaran baa joogta, markaas dabcan Masuuliyiinta Waxbarasho ee Gobolka Togdheerna wey joogaan, markaas waxaa haboon in wax walba oo soo kordhna in la hubsado, oo loo kuurgalo, oo xaqiiqada la raadiyo, laakiin ma haboona in la baahiyo warar aan la hubsan oo been abuur ah, mana haboona in umadda loo gudbiyo warar xaqiiqada ka fog”.

Mar uu ka hadlaayey Imtaxaanka Shahaadiga ee maanta dhammaanaya ayaa yidhi “Imtaxaankii Shahaadiga ahaa ee Fasalka Afaraad ee Dugsiyada sare iyo Fasalka Siddeedaad ee Dugsiyada dhexe, beri (maanta), ayaa insha allaah uu soo dhammana doona, waxaana ILLAAHAY ka baryeyaa inuu inoogu dhamamado si nabadgalyo ku dheehan tahay, iyo jawi wanaagsana, waxaana aad iyo aad ugu faraxsan nahay inuu Imtaxaankii u socday sidii loo baahnaa, Xukuumadda iyo Wasaaradda Waxbarashadu si fiican iskaga xilsaareen waajibaadkii ka saarnaa, socdaalkaygana wuxuu daaran yahay u kuurgalaada xaaalada Waxbarasho ee dalka iyo habsami u socodka Imtaxaanka”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here