Xildhibaan Kijaandhe Oo Sheegay Inuu Dhisayo Murashax Muuse Biixi

0
523

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kinjaandhe, oo ahaa Musharaxa u taagan Musharaxnimadii Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, markii dambena ka mid noqday Isbahaysigii Kulmiye ee diiday inay ka qayb galaan Shirkii Golaha Dhexe ee lagu soo dooranaayey Musharaxa Madaxweyne iyo Ku xigeen ee Xisbiga ayaa sheegay inuu taageersanyahay oo uu dhisay murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

1

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kinjaandhe oo u waramay warbaahinta ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan wada hadalada ay Isbahaysigu kula jiraan Xisbiga Waddani, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Anigu Isbahaysiga kama tirsani imika waan ka baxay, muddo yar oo gaabana markii wixii iska laalmeen aniga waxay ila noqotay in aan Xisbigii intaas kaga tagin, maalin waa casaba maalina waa basar, maalin wey wanaagsan tahay maalina wey kula xun tahay, maalinta ay basarka kaa gaasho waa inaad dulqaad sameeysa, marka Musharaxnimadaydii Madaxweynaha wey murkacatay markaas intaa kaga tagi maayo waan dulqaadanaya, Xisbigii baan ku noqonayaa waan wadayaa”.

Mar wax laga weydiiyey sida uu u arko wada hadalada Isbahaysigii uu ka tirsanaa ay kula jiraan Xisbiga Waddani ayaa ku jawaabay “Waa sax wey ku hagaagsan yihiin, xor bay leeyihiin, waxa la yidhi nin geel jira oo geel ka tagay oo geel kale tagay, Hasha magaceed buu sahashadaa, Xisbiga Kulmiye aasaasashii baan ka mid ahay, muddo badan baan hormuud ka ahaa, waa la iga soo doortay, Barlamaan baan ku noqday, aniga oo intan ka yar baan la soo hana-qaaday maalintii lagu dhawaaqayey waan taagnaa ilaa maanta, intaana kaga tagi maayo”.

Mar wax laga weydiiyey inuu taageersan yahay Musharaxnimada Muuse Biixi wuxuu xildhibaanku yidhi “Haa waan dhisayaa, waan is garab taagaya, waa daba socdaa, waa musharaxayga maanta, marka waan taageersan nahay, Muuse waan dhisayaa, Xisbiga intiisi kale ayaa isku raacay, waan ka daba tagayaa, waan is garab taagaya waana musharaxayga, sababo badan oo uu u istaahilaana wey jiraan, waxaanan u malaynayaa Muuse aragtidii uu lahaa ee Mujaahidka uu ku noqday ee isaga oo yar oo gadh madawe ah uu jabhadaha u galay aragtidaasi in aanay wali ka lumin baan u malaynayaa.”