Ajandayaasha Kalfadhiga Wakiilada Iyo Xeerkii Bangiyada Oo Ku Dhex Jira

0
565

Hargeysa (Geeska)-Kal-fadhigii 31-aad ee Golaha Wakiilada ayaa  si rasmiya u furmay kadib fasax laba bilood ah oo ay Golaha Wakiiladu qaateen.

1

Kal-fadhigii 31-aad oo shalay si rasmiya ugu furmay Xarunta Golaha Wakiilada, ayaa waxa shir guddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

Iyadoo maalmo ka hore Xildhibaanada Golaha Wakiilada la ogeysiiyey inuu furmi doono Sabtida kalfadhigii 31-aad ee Wakiilada, ayaa haddana koramkii aanu buuxsamin, balse waxa Xildhibaanadii ka soo qayb galay loo qaybiyey Ajandaha kalfadhigan 31aad iyo xeerarka laga doodi doono, waxaana ku jira qodobo ku jiray kalfadhigii hore oo markii ay Xildhibaanadu isku dayeen inay ka doodaan keenay khilaaf iyo dhaliilo, waxaana xeerarka ka mid ah Xeerka Baananka Ganacsiga oo markii la guda galay keenay khilaaf xoogan oo sababay in xatta Culimada dalka ka hadlaan kuna tilmaameen inuu yahay Ribo, Diintuna aanay ogelayn, waxa kale oo ku jira xeerka Doorashada Golaha Wakiilada oo isaga laftiisu muran badan keenay, arintiisuna ilaa hadda taagan tahay,waxa kale oo ku jira xeerka kufsiga, oo ka soo hadhay kal-fadhigii hore, waxa kale oo ku jira xeerka Caasimadda iyo qodobo kale.