Shirkad Caalamiya Oo Somaliland Ka Dhisaysa Warshadda Saliidda Cuntada

0
1217

Dubai (Geeska) – Shirkadda IFFCO ee Somaliland, ayaa la sheegay inay warshadda lagu diyaariyo saliidda cuntada ka dhisi doonto Berbera.

IFFCO oo ah shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka oo ku caan ah adeegyada cuntada ayaa la sheegay inay shirkadda DP World la  saxeexatay heshiis kiro iyo wada shaqayn ah.

Shirkadda IFFCO, faraceeda Somaliland oo dhismaha wejiga koowaad oo bilaabmaya sannadka dambe 2033, ayaa la sheegay in marka la dhameeyo ay shaqo ka heli doonaan boqolaal muwaadiniinta Somaliland ah.

Heshiiskan ayaa waxaa magaalada Dubai ku wada saxeexday Suhail Albanna oo ah maamulaha shirkadda DP World, Bariga Dhexe & Afrika, iyo madaxa fulinta ee IFFCO, Rizwan Ahmed.

DP World waxa ay horumarinaysaa Aagga dhaqaalaha ee Berbera, ka dib markii ay maal-gelin ku samaysay Dekedda Berbera si ay u abuurto xarun isku xidhan oo badda, saadka iyo warshadaynta ah si ay ugu adeegto Geeska Afrika, oo ah gobol firfircoon, mar walbana isbefdelaya oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof.

Suhail Albanna, oo ah Maamulaha iyo Agaasimaha Guud ee DP World ee Bariga Dhexe & Afrika, oo heshiiska ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Aagga Dhaqaalaha Berbera ku soo dhawayno shirkad weyn oo caalami ah sida IFFCO. Go’aanka IFFCO ee ah in la sameeyo warshad waa codka kalsoonida ee aagga iyo marag u furka wax-soo-saarkayaga. Waxa kale oo ay aaggani saamayn togan ku yeelan doontaa dhaqaalaha gudaha iyo gobolkaba iyada oo shaqo abuur loo samaynayo, isla-markaana ay Somaliland soo jiidan doonto maalgashi shisheeye oo toos ah.”

Shiraz Allana, Agaasimaha iyo xubinta guddiga kormeerka ee IFFCO, ayaa yidhi: “IFFCO waxay sii wadaa inay maalgeliso mustaqbalka cuntada iyo silsiladaha sahayda adduunka. Waxaan hadda ka shaqeynaa 95 xarumood, oo ay ku jiraan dhowr tasiilaad wax soo saar oo deked ku saleysan oo adduunka oo dhan ah. Iskaashigan aan la leenahay DP World wuxuu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay istiraatijiyadda haqab-beelka cuntada ee Imaaraadka & fududaynta ganacsiga cuntada adduunka..” ayuu yidhi.

Warkan waxa daabacday Warbaahinta Khaleej Times.

 

Geeska.net/Hargeisa Office