Shirkada Al-Harbi Oo Macaamiisheeda U Wejiga Labaad Ee Barnaamijka Tijaabi Nasiibkaaga

0
748

 

Picture2Hargeysa( Geeska )-Shirkada ganacsiga ee Al-Harbi ayaa barnaamij tijaabi nasiibkaaga ah u qabtay qaybtiisii lab aad tiro badan oo ka mid ah macaamiisheeda. Waxaana nasiibkaas ku guulaystay 50 qof oo helay alaabooyin kala duwan.

Alaabooyinka shirkadan Al-Harbi ay nasiibka ku bixinaysay ayaa kala ahaa Laptop,Baaskiilado,Moobaylo,TV-yo,Kaawiyado,mishiinka khudrada lagu ridqo iyo laabooyin kale oo tiro badan.

Barnaamijkan tijaabi nasiibkaaga ee ay shirkadu qabtay qabtiisii labaad waxa ka soo qaybgalay  tiro aad u badan oo ka mid ah macaamiisheeda, waxaana si cad oo aan wax madmadaw ah ku jirin nasiibkan ugu guulaystay kontan qof oo ka mid ah tartamayaashii barnaamijkaas ka soo qab qaatay. Madaxda shirkada ayaana dadkii xafladaas ka soo qabgalay ka codsanaayay inay waraaqaha nasiibkaas lagu galaayay ay isku qasaan kadib dadka oo fadhiya ay mid ka mid ah soo qabtaan, waxaana nasiib u helaaya alaabtaas lagu dhawaaay lanbarka qofka warqadaas la soo qabtay iska leh.

Shucayb Macalin Qaasim oo ka mid ah maamulayaasha shirada Al-Harbi oo xafladaas nasiibka hadalkooban oo uu ku faah faahinaayay u jeedada shirkada ka yidhi waxa hadalkiisa ka mid ahaa “ Maanta sharaf ayay noo tahay xafladan aanu idinku soo maamuusanay ee aad nagala soo qabgasheen, taas oo ah qaybtii labaad ee barnaamijkii tijaabi nasiibkaaga, runtii dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinka waawayn dhamaantood waa ay ka qabgaleen, waxa xusid mudan barjaaminkan qaybtiisii hore ee aan qabanay inay ku guulaysteen 50 qof oo mid waliba nasiibkiisa wax ku qaatay, maantana qaybtii labaad weeye ee ay shirkadu ugu talo gashay barnaamijkan tijaabi nasiibkaaga ee sanadkan.”

Shucayb oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Runtii dadku waxay yidhaadaan barnaamijkan la qabnaayo  labadii sanoba mar ee tijaabi nasiibkaaga ah dad gaar ah ayaad siisaan, laakiin runtu waxay tahay in si cad oo markhaati laga yahay nasiibkaas loogalo loona helo, warbaahinta oo goobjoog ka ah barnaamijkuna ay dadka guulaysta sidaas u baahiso. Shirkadan Al-Harbi waa shirkad weyn oo wadani ah waxaanay labadii sanoba mar ku celisaa waxyaabahii ay faa’iday qab ka mid ah macaamiisheeda si uu u adkaado xidhiidhka u dhaxeeya iyaga iyo macaamiishooda.”

Wargeyska Geeska Afrika ayaa idiin soo gudbin doona lanbarada 50-ka qof iyo alaabooyinka ay ku guulaysteen maalmaha soo socda.