Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida Oo Uu Daad Qaaday

0
676

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Alle ha u naxariistee waxa shalay galab geeriyooday Marxuum Aadan Shire Faarax (Aadan Sanweyne), oo ka mid ahaa golaha guurtida, ka dib markii uu daad qaaday isagoo baabuur uu watay ka soo talaabinayay dooxa lafo-ruug ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera. Marxuumka ayaa ka yimid Berbera, oo uu ka soo qaaday dad qaraabadiisa ah.

Marxuumka oo watay Baabuur Landcruiser ah, waxa saarnaa shan ruux oo uu isagu ku jiray, waxase nolol lagu helay saddex nin oo uu daadkaasi la tagay iyo haweenay maydkeeda la helay. Waxase aan la helin maydka Marxuum Sanweyne oo ilaa xalay cawayskii dambe la raadinayay.