Uhurru Kenyatta Oo Loo Xalaaleeyay Inuu Noqdo Madaxweynaha Dalka Kenya

0
576

 

Picture2Nayrobi(Geeska)-Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa Sabtidii shalay go'aan ka gaadhay dacwaddii uu gudbiyey Raila Odinga ee uu ku diidanaa natiijadii doorashada Madaxweynaha dalka Kenya ee uu ku guulesytey Uhuru Kenyatta ee hogaamiya Isbaheysiga TNA.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa go’aamisey in natiijadii soo baxdey ay tahay mid sax ah isla markaana Uhuru Kenyatta uu yahay Madaxweynaha la doortey.

Amniga ayaa si weyn loo adkeeyey meelo badan oo ka mid ah dalka Kenya waxaana laga cabsi qabay in rabshado dhacaan kadib go’aanka u danbeya ee Maxkamadda Sare marka uu soo baxo.

Go’aankan ayaa soo afjari doona doodii ka taagneyd cidda ku guuleysatey doorashadii Kenya ka dhacdey horraantii bishan March, taas oo Uhuru Kenyatta si dirqi ah ugu guuleystey.

Madaxweynaha xilka ka degaya Mwa Kibaki ayaa codsadey in go’aanka Maxkamadda Sare loo hoggaansamo. Labada Musharax ee ugu codka badnaa Doorashada ee kala ah Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa labaduba sheegay inay ku qanci doonaan go’aanka maxkamada kasoo baxa, balse waxaan la ogeyn in taasi ay aqbali doonaan taageerayaashooda.

Raysalwasaaraha tartanka looga guuleystey Raila Odinga ayaa soo dhaweeyey go’aanka Maxkmadda Sare waxaana uu wanaag u rajeeyey Madaxweynaha la doortey iyo kooxdiisa.

Kadib markii ay soo baxdey natiijada Maxkamadda ayaa dariiqyada waxaa isugu soo baxay dadweyne badan oo u dabaaldegaya go’aanka Maxkmadda iyada oo magaalada Nairobi ay ku jirto xili roobaad, sidoo kale kuwo cadhaysan ayaa lagu dhex arkaayey badhtamaha magaalada kuwaas oo Boolisku baacsaday.

Natiijadii doorashooyinkii hore ee dalka Kenya sanadkii 2007 – 2008 ayaa rabshado xoog badan ka dhasheen waxaana ku dhintey dad ka badan 1000 qof, kadib markii rabshaduhu isu beddeleen kuwo Isir salka ku haya.

Uhuru Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynihii 4aad ee dalka Kenya waana wiil uu dhalay Madaxweynihii u horeeyey ee Kenya Joma Kenyatta, waxaa xilka loo dhaarinayaa maalinta Salaasada ah ee ku beegan 9 Abril 2013.

Madaxweynaha la doortey ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa dacwad uga furantahay Maxkamadda Denbiyada Dagaalka ee The Hague, waxaana uu maxkamadda ka codsadey in dacwaddaas la laabo taas oo aan weli u suurta gelin, denibiyada loo haysto ayaa salka ku haya rabshadihii doorashooyinkii hore iyo doorka uu ku lahaa.