Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Shidaalka Oo Qiimihiisu Kordhay Iyo Dhaliisha Xisbiyada Mucaaradka Ahi u Jeediyaan Xukuumaddiisa

0
553

 

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in isaga iyo Xukuumaddiisu ogol yihiin dhaliisha oga imanaysa Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Muwaadiniinta kale ee Madax-banaan.

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey Munaasibad Hargeysa lagu qabtay, ayaa sidoo kale ka hadlay Shidaalka oo Maalmihii u dambeeyay Qiimihiisu aad sare ugu kacay, waxaanu Shirkadaha Shidaalka ugu baaqay inay qiimaha kordhay dib ugu noqdaan, maaddaama oo dalku ku jiro Xaalad Adag oo Abaareed.

Madaxweynaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waa Run oo Qiimaha Shidaalku Adduunka wuu ka kordhay, weliba si xawli ah ayuu uga kordhay, laba sababood ayuu u kordhay, mid waxa la weerarray Sucuudiga Ceelashiisa oo qolada Xuutiyiintu ay weerarreen, taasi waxay keentay in shidaalkii hakad galo oo Qiimihiisu kordho, ta kale Xanuunka Covid_19 oo markii hore keenay in Warshadaha Adduunka oo dhan la xidho oo Caalamka Baayac-mushtarkiisu istaagay, laakiin markuu bixi waayey  waxay noqotay in Warshadihii dib loo bilaabo oo la yidhaahdo hawshu ha socoto, dabadeedna Shidaalkii halkiisii ka kacay, markaa way jirtaa saddexdii Toddobaad ee u dambeeyay Shidaalku wuu kacayey, laakiin waxaan leeyahay Shirkadaha Shidaalka wuxuu innagaga soo beegmay goor aynu gurmadkii Abaaraha iyo Covid-ka ku jirnee arrintaa u dul-qaata oo dib baad u eegaysaan.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Xisbiyadu xor u yihiin inay dhaliilaan “Xisbiyada Mucaaradku xaq bay leeyihiin ah inay na dhaliilaan, waa u fasax inay na dhaliilaan, waa hawsha ay Qaranka u hayaan, waa inay Tilmaantayada sheegayaan, laakiin si asluubaysan, shaqsi cayga yaanay arrintu innaga xumaane, wixii dhaliil ah waanu ogol nahay, Waayo? haddii Qofka dhaliishiisa la sheegi waayo wuu isla toosnaanayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Anigu Fagaaraha aan imaadaba in dhaliishayda la ii sheego oo aan Qaato oo aan Nafiso waan ogolahay, bani-aadam baan ahay, intaas oo Ummad ah baa I karaamaysa, intaas oo kale ayaa amarkayga qaata sharciga aan soo saaro, iyagaa i dhegaysta, markaa xaq bay u leeyihiin in waxa ay I leeyihiin I soo gaadho, anigu awoodda kalamaan iman aqalkayga, iyagaa awoodda ii dhiibay, inay ila xisaabtamaana diyaar baan u ahay, Dawladdayduna sidaas bay ogoshahay, ta dambena sidaas bay ogolaan doontaa.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office