Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Laga Reebay Diyaarad Muqdisho Tagaysay

0
538

 

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka ee madaarka Berbera, ayaa shalay diyaarad uu magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya u raacayay ka reebay xildhibaan Axmed Xasan Saalax, oo ka tirsan golaha guurtida.

Xildhibaanka, oo ay safarkiisa ku wehelisay xaaskiisu, waxa uu dib ugu soo noqday magaalada Hargeysa, lamana garanayo ujeedada uu u tagayay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya iyo weliba mudad uu doonayay inuu ku maqnaado. Laakiin maaha markii u horaysay ee masuul xil haya ama siyaasi madaxbanaan ah laga reebo diyaarad uu u raacayay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in siyaasiyiinta, madaxdhaqameedka iyo dadka masuuliyiinta ah ee huwan magaca bulshada Somaliland aanay safaro ku tagi karin Muqdisho, si ayay tidhi aanay u dhabar wareemin wada hadalada u bilaabmay Somaliland iyo Somaliya.

 Waxaana wakhtigan xabsiga Hargeysa ku jira Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, oo loo haysto safar uu isna dhawaan ku tagay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, horena waxa diyaarad looga reebay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo masuuliyiin kale.