Wasiir Abiib-timacad Oo Sheegay Inaanu Khilaaf U Dhaxayn Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

0
529

 

abiib-TimacadHargeysa( Geeska )-Wasiirka war faafinta Md.Abiib Diiriye Nuur (Abiib-tima cad), ayaa talo qaran ah oo ay ku baaqeen qaar ka mid ah mucaaradka dalku waxa uu ku tilmaamay inay xukuumad ahaan u arkaan shir beeleedyo, isla markaasna aanay marnaba oglaanayan, waxaanu sida oo kale eedo u soo jeediyay shaqsiyaad aanu magacyadooda soo qaadin balse uu sheegay inay xilal qaran  hayeen kadib markii xilalkii laga qaadayna ay warbaahinta sida ay doonaan uga hadlaan.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirka war faafintu shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu sida oo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaafka ka dhex taagan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo uu isagu ku sifeeyay mid aan buurnayan oo la xidhiidha hawl maalmeedka shaqo.

Wasiirka war faafinta Md.Abiib Diiriye Nuur (Abiib-tima cad), oo ugu horayntii ka hadlaaya shir ay qaar ka mid ah mucaaradku ay ku sheegeen in talo qaran oo dalka lagu badbaadinaayo ay isugu imanayaa ayaa yidhi  “Niman Waaweyn oo Masuuliyiin ah ayaa waxay ku baaqeen waxaanu qabanaynaa shir tallo qaran ah, taasna macnaheedu waa shir beeleed, shir beeleedna waynu ka soo gudubnay, dawlad baynu nahay ninka maanta shir beeleed ku dhawaaqaya in la iskugu yimaado waa nin qarankan duminaya oo aan Somaliland jeclayn, Kaasna ka yeeli mayno kana aqbali mayno, Somaliland waa qaran jira, dastuur bay leedahay shuruucdeena ayaa lagu soconayaa, laakiin shir beeleed ha lagu noqdo laga yeeli maayo,ummaddana diyaar uma aha in marxladii aynu soo dhaafnay lagu noqdo.”

Md. Abiib Diiriye waxa uu tilmaamay inay jiraan dad caadaystay inay marka xilka laga qaado waxay doonaan ku hadlaan ku waas oo aanu magac dhabin, isagoo arrintaasi ka hadlaayana wuxuu yidhi  “Waxa jirta oo aad ka war-haysaan ninku   marka uu xilka hayana   waxay    yidhaahdaa wax walba si wanaagsan ayay dawladdu u wadaa marka xilka laga qaadana wuu caytamaa oo sida uu doono ayuu u caytamaa. Xilkuna waa meerto oo nin ku waarayaa ma jiro, Maalinta xilka aad timaadana ILAAHAY ayaa qadaray inaad timaado, maalinta lagu bedelana Xagga ALLE ayay ka qoran tahay, markaa marka lagu bedelo ma aha inaad nac-nacleyso oo aad  caytanto sida dadka qaarkii ee aad ka war haysaan ee aad ogtihiin, Xafiiskii uu shalay ka tagay ayuu caayayaa, taasina ma aha anshax uu nin masuul ahi ku hadlo, anigu waa hebel odhan mayo laakiin dad  bay caado u tahay in ninku marka uu joogana  inuu shib  yidhaahdo. Marka uu xilka ka tagana iska mantago oo waxa uu doono yidhaahdo. Taasina ma aha mid wanaagsan. Waxa wanaagsan ninku inta uu joogo wixii dhaliil uu arko inuu Golaha Wasiirrada geeyo oo kaga hadlo, Laakiin ma aha in maalinta la eryo uun uu waxa uu doono yidhaahdo,waliba way ku badan yihiin dadka caynkaas ahi Wasaaradda warfaafinta,  Waxaan leeyahay ka waantooba, beri ka maalinba inaad soo noqotaan waa laga yaabaaye, inaad caytantaan idinka ayay sharaf darro iyo karaamo darro idiin tahay.”

Md. Abiib Diiriye oo beeninaaya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa khilaafka dhex yaala waxa uu yidhi “ Waxaan idiin sheegayaa Madaxweynaha iyo madaxweyne Ku xigeenka wax khilaaf ah oo dhex yaallaa runtii ma jiraan, waxaase jirta meel hawli ka socoto  waa lagu kala ra’yi duwanaadaa oo qofba si bay wax  ugu muuqataa Madaxweynaha ha ahaado ama madaxweyne Ku xigeenka ha noqotee, Laakiin wax dhibaato ah oo kale oo jiraa haba yaraatee ma jiraan, Taasna waa laga shaqeeyay sidii walaaltinimo iyo is faham looga gaadhi lahaa.”

Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay  Madaxweyne Ku xigeenku uu shaqadiisii ku simaha Madaxweynaha uu gutay, isagoo arrintaasi ka hadlayay wuxuu yidhi  “Madaxweyne Ku xigeenkuna wuu soo dhawaynayaa madaxweynaha marka uu soo laabto, intii uu madaxweynuhu maqnaana madaxweyne Ku xigeenku hawshii Madaxweynimo wuu hayay, Waxa uu kormeer ku soo maray qaar ka mid ah Haa’yadaha dawladda qaarkood, shirkii Golaha  Wasiirrada wuu qabtay wefti ajanabi ah oo dalka yimi wuu qaabilay,  hawl maalmeedkii caadiga ahaa  si ramsi ayuu u qabsaday. Haddii uu khilaaf jiro ama cadho jirto kama uu soo baxeen  gurigiisa oo xafiiskiisana muu yimaadeen. Waxaanay taasi cadaynaysaa in waxan la shubayo aanay waxba ka jirin, Arrintan waxa sii buun-buuninaya shakhsiyaad aan doonayn in dalkani hore u socdo.”