Mishiinka Lagu Baadho Alaabta Rakaabka Madaarka Berbera Ka Dhoofa Oo Fadhiistay Iyo 10-kii Dollar Oo Weli La Qaado

1
568

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Mishiinka yaala madaarka Berbera ee lagu baadho alaabada dadka rakaabka ah ee garoonka ka dhoofaya, ayaa shaqadii joojiyay, ka dib markii ay ciladi ku timid.

Mishiinkan, oo ah mishiinka baadha shandadaha rakaabka dhoofaya, ayaa ciladaysnaa muddooyinkii u dambeeyay, waxaana shandadaha dadka dhoofaya lagu baadhaa gacanta, laakiin iyadoo uu mishiinkii fadhiyo, shandadahana lagu baadho gacanta, ayaa haddana dadka dhoofaya laga qaadaa lacagtii 10-ka dollar ahayd ee ay dhawaan golaha wakiiladu ansixiyeen, taas oo ay xukuumadu sheegtay in loogu tallo galay dayactirka iyo cusboonaysiinta qalabkaas iyo mushaharka dadka shaqaalaha ah. Wasiirka duulista Md. Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa dhawaan golaha wakiilada u sheegay in 10-ka dollar loo soo dejiyay qalabkaas dartii. Mar aanu isku daynay inaanu wasiirka wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Hase yeeshe, arrintan ayaa dad badan oo madaarka ka dhoofayay ku abuurtay jaho-wareer, waxaanay isweydiiyaan sababta lacagta looga qaado mar haddii mishiinkii loogu tallo galay uu fadhiid noqday.

Comments are closed.