Qoyska Nadra Maxamed Jaamac Oo La Gaadhsiiyay Deeq Lacageed Oo Dhan $ 1500

0
589

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Jaaliyadda dibadda ayaa deeq lacageed oo dhan $ 1500 ( kun iyo shan boqol oo Dollar) soo gaadhsiisay qoyska Nadra Maxamed Jaamac, oo ay dhawaan maxkamadda Hargeysa ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ah, ka dib markii lagu eedeeyay inay farriin aflagaado ah u dirtay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Jaaliyadda dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ee dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalada Hargeysa iyo Hawd, ayaa deeqdaas lacageed shalay gaadhsiiyay hooyada dhashay Nadra Maxamed Jaamac oo degen magaalada Hargeysa, waxaana deeqdaas Hooyo Farow Xaaji Cali, ku wareejiyay guddoomiyaha dhallinyarada Beesha Arab Mr. Axmed Maxamed Cabdillaahi (Darajo), waxaanay hooyo Farow u mahadcelisay jaaliyadda dibadda ee lacagtaas u soo dirtay oo si weyn ugu mahadcelisay. “Waxa aan marka hore u mahad celinayaa Jaaliyadda wadamadda Ingiriiska iyo waliba dalka Maraykanka ee na soo gaadhsiisay Lacagtaasi” ayay tidhi, waxaanay intaas raacisay in Nadra loo dhaadhiciyay xabsiga Gabiley, ka dib markii ay xeer ilaalinta dacwadda soo oogtay rafcaan ka qaadatay xukunka 8 bilood ah ee ay maxkamadda gobalka Hargeysa ku riday.