Xildhibaan Ka Hadlay Safar Uu Garowe Ku Tagay Oo Ay Doodi Ka Dhalatay

0
844

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Muuse Ciise Xamari oo ka tirsan golaha guurtida, ayaa beeniyay inuu arrimo siyaasadeed u tagay magaaladda Garooowe, waxaanu sheegay inuu halkaas u tagay arin shaqsi ah.

Sida oo kale waxa uu xildhibaankani beeniyay in guddi arinkiisa loo saaray, laakiin waxa uu gudidaas ku sheegay mid xal loogu raadinaayay khilaaf u dhaxeeyay xildhibaanka iyo xoghayaha guud ee golaha guurida.Waxaanu sidan u sheegay xildhibaanku waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu hadalkiisu ku bilaabay sidan“Garoowe waa magaalo ka mid ah magaalooyinka Somaliya ee aynu dariska nahay, waa magaalo aan ku dhashay kuna barbaaray, arin siyaasadeedna umaan tagin ee mid shaqsi ah ayaan u tagay sida loo tago Jabuuti iyo Gaashaamoba, markaas Garoowe waan tagay oo maalin ayaan tagay waanan ka soo baxay laakiin wax siyaasad ah umaan tagin ee mid shaqasi ah ayaan u tagay, horena waan u tagi jiray, shakina ma laha oo anigoo Garoowe tagay ma odhan Boocaame ayaan tagay oo aan xildhibaana u ahay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxa nasiib daro ah kuwii dhiiga faraha kula jiray ee qaarkood goleyaasha iyo xumuumaddaba ku jira, kuwii mishiinada dhacaayay ayaa jooga, wakhti dheer oo aan golahan ku jiray waxaan ka shaqeeyaa waxii midaynaaya uun shacbigan Somaliland,waxaan ahaa xubnihii ugu horeeyay ee  diiday in golaha guuritda wakhtiga loo kordhiyo. Waxa kale oo aan beeninayaa in aanay jirin wax qoraal ah oo guddoomiyaha guurtidu uu iga soo saaaray, laakiin waxa jiray khilaaf aniga iyo xoghayaha  golaha noo dhaxeeyay oo isagna waa la xaliyay isagaana gudidaas loo saaray oo gudida ayaa go’aano ka soo saaray arinkaas.”