Xildhibaan Jaamac-Riyo Oo Sheegay Inuu Soo Saarayo Hees Labaad Oo La Miisaan Ah Tii’ Hore

0
582

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Jaamac Axmed Faarax, ayaa doboolka ka qaaday inuu sii wadaayo guluf suugaaneedka uu xukuumadda ku dhaliilayay, waxaanu daboolka ka qaaday in toddobaadkan uu soo saari doono heestiisii labaad, waxaanu sidan u sheegay mar uu shalay warbaahinta la hadlaayay, waxaanan halkan idiinku soo gudbin doonaa, midhaha heestan dhawaan uu soo saari doono xildhibaanku iyo hadaladii uu ka yidhi

“Gulufkayga suugaaneed waa uu sii soconayaa, cid kasta oo danaynaysana aniguna waan danaynayaa, haddii aanan nafta waayina heestii labaad ayaa soo baxaysa,tii saddexaadna waa ay dabataalaa oo kama foga, sidaas ayuu u soconayaa guluf suugaanadeedka.”

Dhacdaba taariikhaheed leh

Xusuus iyo dhugashadeed leh

Dhamaystiran raad u yeele

Markaan kugu dhololaayay

Ee dheeraad kugu siiyay foodka

Inaad dhab u lexo-jeclowdo

Kuwii hore dhaami doonto

Ayaa bulshada laga dhaadhacshee

Inaad tahay dheg iyo maqal

Inaad tahay dhar iyo muuq

Dhaayuhu ruux kuu arkaan

Inuu rayi kaa dhammaaday

Oo aan taloba kugu soo dhawaanin

Dhankaaba miyaan ka eegay

Wadooyinka dhaqan galkooda

Dhaqaale ku urursigooda

Kaanbayn dhaqdhaqaajintooda

Intaad qaranka u dhintay

Iyo dhaliishaadaa ka badan.