Ilhaan Cumar Oo U Ololaynaysa Qorshe Lagu Ciqaabayo Dhaxal-sugaha Sucuudiga

0
463

 

USA (Geeska) – Ilhan Cumar oo ka mid ah mudaneyaasha Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa soo saartay, qodob sharci ah oo ay ku rabto in Aqalka Hoose uu cuna-qabateyn saaro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Ilhan ayaa sheegtay, in ay Maxamed Bin Salman oo ku magac-dheer MBS lagu ciqaabo, doorkii uu ku lahaa dilki qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay, weriye Jamal Khashoggi, sannadki 2018-kii.

Sirdoonka Mareykanka ayaa Jimcihii shaaciyay, warbixin in muddo ahba la sugayay oo si cad ugu eedeysay Maxamed Bin Salman, inuu amray in lasoo xidho ama la soo dilo wariye Kashoggi oo ahaa saxafi u dhashay Sacuudiga, balse heystay deganaashaha Mareykanka.

Bayaan ay Salaasadii soo saartay, ayay Ilhan ku tidhi: “Tani waa tijaabada bani’aadannimadeenna. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenu xaqiijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa saxafi degannaa Mareykanka”

Marrykanka ayaa todobaadkii hore cuna-qabateyn saaray in ka badan 60 muwaadin oo Sacuudi ah, balse kuma jirin Maxamed Bin Salmaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office