Dawladaha Masar Iyo Suudaan Oo Heshiis Milletari Kala Saxeexday, Xilli Labadoodaba Khilaaf Ka Dhexeeyo Itoobiya

0
522

Khartoum (Geeska) – Dawladaha Masar iyo Suudaan, ayaa shalay kala saxeexday heshiis militeri kaddib markii ay kulamo yeesheen saraakiisha militeri ee labada dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Suudaan.

Maxamed Fariid oo ah madaxa militeriga Masar iyo dhiggiisa Suudaan Maxamed Cusmaan Al Xuseyn, ayaa heshiiska ku kala saxeexday caasimadda Khartuum.

Madaxa militeriga Suudaan Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in heshiiska looga golleeyahay in lagu dhiso ciidamo qaran oo si xooggan loo tababara, wuxuuna uga mahad celiyay Masar taageerada ay siiso Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

Dhanka kale, Taliyaha militeriga Masar Maxamed Fariid wuxuu sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu xoojiyo cilaaqaadka kala dhexeeyo isla-markaana arrimaha ay diiradda saarayaan ay yihiin ‘xoojinta militeriga iyo amniga’

Suudaan iyo Masar waxay horraan sameeyeen dhoolatus militeri iyadoo la filayo inay si wadaan dhoolatuskaas.

Madaxweynaha Masar Cabdul Fataax Al Siisi ayaa lagu wadaa in Khamiista Maanta u booqasho ku tego Suudaan, sida uu ku warramay wargeyska Ahraam ee kasoo baxa Masar.

Heshiiska Masar la gashay Suudaan, ayaa ku soo beegmaya xilli ay khilaaf dhinaca dhulka ahi uu ka dhexeeyo Suudaan iyo Itoobiya, halka Suudaan iyo Masar oo isku dhinac ahina ka soo horjeedaan biyo-xidheenka Itoobiya ka dhistay Webiga Niil dushiisa, taasi oo Masar ka cabsi qabto inuu yareeyo qul-qulka Biyaha Webiga oo 90% nolosha Shacabka Masar ku tiirsan tahay.

Geeska.net/Hargeisa Office