Xildhibaan Guurti Ah Oo Wasaaradda Maaliyadda Iyo Baanka Dhexe Ugu Baaqay Inay Wax Ka Qabtaan Sicir Bararka Xadhkaha Goostay

0
572

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay Doorashada, waxaanu sheegay in haddii dib u dhac dambe ku yimaado Doorashada wax walba oo ka dhasha ay masuul ka noqon doonto Xukuumaddu, waxaanu tilmaamay  Gole Guurti ahaan in aanay qorshaha ugu jirin muddo kordhin dambe oo ay Xukuumadda u sameeyaan.

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka dalka ka taagan, waxaanu sheegay in sicir bararku yahay aafo qaran, oo Xukuumaddu gabtay waajibkii ka saarna inay wax kaga qabato, waxaanu xusay in dhib walba oo ka dhasha Sicir bararka inay masuul ka tahay Xukuumaddu wuxuuna yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya sicir bararka“Sicir bararku waa aafo qaran oo haddii ay sii socoto, dalka khatar gaadhsiin karta, dalkuna Xukuumad buu leeyahay, oo Xukuumaddu iyada ayaa ka masuul ah, Sicir bararkaas maanta taagan, dalku wuxuu leeyahay Wasaarad Maaliyadeed, Baan dhexe ayuu leeyahay,markaas masuuliyaddu waxay dhabarka u saaran tahay oo laga rabaa inay xal ka gaadho sicir bararka dalka aafada ku noqday waa Xukuumadda, Baanka dhexe waxa laga doonayaa inuu shaqeeyo, waana inuu Baanku helaa lacag uu ku sii daayo suuqa, oo uu ku xakameeyo sicir bararka faraha ka baxay, markaas Wasaaradda Maaliyaduna waa cidda qudha ee la doonayo inay xakamayso sicir bararka iyadoo kaashanaysa Baanka”.

Xildhibaan Muuse isagoo ka hadlay Doorashada ayaa yidhi “Waxa loo baahan yahay inay Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, Doorashaduna inay dhacdo cid walba dan baa ugu jirta, haddii ay Shacabka tahay, haddii ay Xukuumadda tahay iyo haddii ay tahay cid walba oo Somaliland danaynaysa, danteena ayaana ku jirta in aanay Doorashadu dib uga dhicin wakhtigeedii, Doorashada waa la xadeeyey, wakhti bay leedahay, haddii ay Doorashadu wakhtigeeda weydaarato anigu ma garan karo siday noqon, masuuliyadaas iyo dhibka ka yimaadana Xukuumadda ayaa dhabarka u ridan doonta”.

Mar aanu wax ka weydiinay in Golaha Guurtidu muddo kordhin dambe u sameeynayaan Xukuumadda ayaa yidhi “Golaha Guurtida uma taalo inay muddo kordhin dambe Xukuumadda u sameeyso, arin la sugayana maaha, arin imika taalana maaha, Golahayaga Guurtidana qorshaha inaguma jirto in muddo kordhin dambe Xukuumadda loo sameeyo, Doorashaduna dib u dhacdo, ee Doorashadu wakhtigeeda ha ku dhacdo”.

Mar uu ka hadlaayey amarka ay Xukuumaddu ka soo saartay kal-fadhiyada aan caadiga ahayn ee Golayaasha Deegaanka ayaa yidhi “Wax walba oo inagu yimaada Dastuurka Qaranka ayaa la raacaya, cid gaar ah oo Dastuurku wuxuu qorayo iska diidi kartaa ma jirto, waana in mar walba lagu dhaqmo Dastuurka, oo Golayaasha Deegaanku raacan, Xukuumadduna ay raacdo, cid walibana waa inay Dastuurka tixgeliso”