Madaxweyne Geele Oo Midowga Afrika Ka Codsaday Inay Kala Dhex Galaan Dalkiisa Iyo Ereteriya

0
625

Addis Ababa(Geeska/Reuters)-Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka codsaday ururka Midawga Yurub inay goobjoogayaal u diraan xuduudda muranku ka taagan yahay ee dalkaasi la wadaago dalka Eriteria, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ciidamada Qatar oo nabad ilaalin ahaan u joogay ay halkaas ka baxeen laba toddobaad ka hor, sida ay baahisay Reuters oo soo xigatay Wasiirka Arrimaha Debedda Djibouti.

Ciidamada Qadar ayaa xuduudda labadaas dal la keenay ka dib markii ay isku dhaceen Eritrea iyo Djibouti sannadkii 2008, hase ahaatee waxay si aan hore loo sii qorshayn uga baxeen xuduudda bishii June 14-keedii.

Qadar may bixinin sababta ay xuduudda uga baxday, hase ahaatee arrintan ayaa ku soo beegantay markii Djibouti iyo Eritrea ay la safteen Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee ka soo horjeedda dalka Qadar.

Wasiirka Arrimaha Debedda Djibouti Maxamud Cali Yuusuf ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee Reuters inay u soo jeediyeen Midawga Afrika inay booskaas buuxiyaan, isla markaana ay si degdeg ah tallaabo u qaadaan.