Xildhibaan Guurti Ah Oo Ka Digay In Mus-danbeed Loo Sameeyo Guddiga Doorashada

0
493

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka tirsan ayaa ka hadlay shuban biyoodka ka dilaacay deegaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan Deegaanada Buuhoodle ilaa Widh-widh, ee dadka qaar u dhinteen, waxaanu sheegay in aan la daawan ee sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto, si aanu cudurkani u sii fidin.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Guddida Mus-dabeedka ee la sheegay in Komishanka loo magacaabayo, waxaanu xusay in haddii Guddidan la magacaabo ay ka dhigan tahay in Komishankii la kala dirayo, waxaanu yidhi ugu horeyn “Jiida Buhoodle ilaa Widh-widh waxa ka dilaacay Shuban Biyood, oo ka mid ah cudurada ugu halista badan, uguna khatarta badan, dad wey ku dhinteen, dadna uu hayaa, ee maaha in la daawado, oo la sugo inta uu Shuban biyoodku faafayo, kuna dhacayo dad iyo deegaano aanu wali gaadhin ee waxa haboon in hadda laga hor tago, oo la daweeyo dadka uu hadda hayo, si aanu u sii fidin”.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, mar uu ka hadlaayey Guddida Mus-dabeedka ayaa yidhi “Komishanku waa todoba xubnood oo ka kala yimid Guurtida, Xisbiyada iyo Madaxweynaha, Saddex xubnood waxa soo kala magacaaba Saddexda Xisbi, Laba xubnood waxa magacaaba Madaxweynaha, laba xubnoodna waxa magacaaba Guurtida, Komishanka Doorashooyinka ayaa loo magacaabaya Guddi Mus-dabeed waxay ka dhigan tahay  Komishanka ha kala diro”.