Wasiirka Daakhiliga Oo Dawladda Somaliya Uga Digay Arrimaha Somaliland

0
530

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa jawaab adag ka bixiyey mooshinka ka dhanka ah Saldhiga milatari ee ay Barlamaanka Somaliya wadaan, waxaanu uga digay Barlamaanka iyo Dawladda Somaliyaba inay soo faragashadan Arrimaha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika  u waramaya ayaa ugu horeyn yidhi “Somaliya Caalamka aad buu u caawiya, sida loo caawiyo ee wax loo tarana Somaliland looma taro, sidaas oo ay tahay wey taransan la’dahay, Somaliland iyo Somaliyana, wey kala tageen, isku dalna maaha, waa laba dal oo jaar ah, Somaliland waxay qabsatay maaha wax la qarin karo, waxaana xaqiiqo ah in Somaliland waxyaabo badan oo ilaa hadda Somaliya aan ka hirgalin inay ka hirgaleen, Somaliland waxa ka hirgalay Dimuqraadiyad, nidaamka Xisbiyada badan, Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu soo doortay Barlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo sidoo kale Golayaasha Deegaanka oo  dadku si toos ah u soo doorteen, markaas Barlamaanka Somaliya qaabkii loo doortay weynu arkaynay ee tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ee Barlamaanka Somaliya waxaanu uga digaynaa in aanay ka hadal ama aanay soo farashagan arimaha Somaliland, maxa yeelay waanu isku tashanay, oo anaga ayaa dantayada og, ee idinku amaankiina iyo hawlihiina idin cusleeyey ee la idinka baahan yahay inaad wax ka qabataan ka qabta”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland mar uu fariin u diraayey  Dawladda Somaliya wuxuu yidhi “Dawladda cusub ee Somaliya, waxaan leeyahay waxaynu nahay laba dal oo jaar ah ee marnaba anagu arimihiina ma soo faragelino, ee waxaan idinka digaynaa inaad arimaha Somaliland soo faragelisaan, jaarnimada ilaaliya”.