Xildhibaan Dogox Oo Daboolka Ka Qaaday Inuu U Sharaxayahay Jagada Maayarka

0
553

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Saleban Daahir Cabdillaahi (Dogox), oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, ayaa cadeeyay inuu u sharaxanyahay maayarka caasimadda Hargeysa, oo uu Alle haw naxariiste dhawaan baneeyay Eng. Yuusuf Warsame Siciid.

Xildhibaan Dogox, oo shalay u waramay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu aaminsanyahay inuu yahay qofka ugu haboon buuxinta jagadaas. “Anigu waxaan cadaynayaa oo aan warbaahinta u sheegayaa inaan u sharaxanahay buuxinta kursiga uu baneeyay Alle haw naxariiste Marxuum Yuusuf Warsame Siciid.” Sidaas ayuu yidhi Dogox, oo intaas raaciyay, “Murashax baratamaya ayaan ahay oo weliba aan isleeyahay waxaad tahay qofka ugu haboon, waxaanan tallo ku soo jeedinayaa inay doorashadu noqoto mid xor iyo xalaal ah haddii layga guulaysto iyo haddii aan guulaystaba. Waxaanan leeyahay natiijada doorashadaasi waa inay noqoto mid cadaalad ah, haddii kale oo uu musuq dhaco aqbali mayno.”

Xildhibaan Dogox, wuxuu balan qaaday inuu isbedel muuqda ku soo kordhin doono caasimadda Hargeysa, haddii loo doorto maayarka magaalada Hargeysa.