Muxuu Guddoomiyaha Guurtidu Ka Yidhi Fadhiga La Isugu Yeedhay Golihiisa?

0
528

Picture3Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa si kooban uga hadlay muddo kordhin la sheegay in loo samaynayo Golaha Wakiilada Somaliland oo dabayaqaada bishan April muddo xilleedkoodu ku eg-yahay.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo shalay saxaafadu wax ka waydiisay muddo kordhin Guurtidu u samaynayso Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inuu isagu xildhibaanada Golaha isugu yeedhay isla-markaana ay isku imanayaan, balse waxa uu ka gaabsaday muddo kordhinta Wakiilada loo samaynayaa wakhtigeeda ama inta sanno ee tahay.

Guddoomiye Saleebaan, oo ugu horeyn ka jawaabaya inuu xaqiijiyo in xildhibaanada Guurtida la isugu yeedhay ayaa yidhi “Goluhu inuu isku yimaada anigaa isugu yeedhay, goluhuna wuu isku imanayaa”

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden oo la waydiiyay in ujeedada fadhiga aan caadiga ahayn la isugu yeedhay tahay in dhowr sanadood loo kordhiyo Golaha Wakiilada, maadaama oo uu wakhtigii ka dhamaanayo, ayaa ku jawaabay  “Anigu ma hayo muddada la kordhinayo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hal-celinaya in Golaha wakiiladu ka soo codsadeen iyo in kale “Golaha Wakiilada arintaasi shaqadooda maaha”