Xildhibaan Dogax Oo Ka Horyimid Shirka Lagu Ansixiyay Miisaaniyada

0
564

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Saleban Daahir Dogox oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, ayaa ka horyimid shir ay shalay golaha deegaanka Hargeysa qabsadeen oo lagu ansixinayay miisaaniyada golahaas.

1111111111111

Xildhibaan Dogox, wuxuu maayarka Hargeysa ka codsaday inuu shirka xidho oo sida uu ku dooday sifo sharci ah loo maro qabashada shirkaas, waxaanu sheegay in xildhibaanada qaar ka mid ah laga qariyay shirkaas, “Halkan imikaan soo galay, waxaanan qabaa inaanu shirkani ahayn shir aan sharci ahayn, waayo sifaha sharciga ah ee marka shir la qabanayo loo maro, lama qaban.” ayuu yidhi isagoo ka dhex hadlayay shirka goluhu qabsaday, waxaanu intaas raaciyay “Waxaanan qabaa shir hoosta la iska taabtay oo dad gooniya loo yeedhay, dadkii aan loo baahnayna laga qariyay ee la islahaa waxan way ka hadlayaan ama way ka jawaabayaan. Markaas mudane guddoomiye waxaan kaa codsanayaa inaad shirka xidhid si sifaha sharciga waafaqsana loo iclaamiyo shirka oo ama saxafadda laga baahiyo ama farriimo loo diro xildhibaanada ama waraaqo albaabada lagu dhejiyo sida sharciga ah in loo maro shirka laakiin aanu noqon shirku in hoosta la iska taabto xildhibaanada kalena subaxnimada ay ogaadaan markaas waxaan kaa codsanayaa guddoomiye inaad shirkan xidhid.”

Hase yeeshee golaha deegaanka ayaa markii dambe cod aqlabiyad ah ku meel mariyay miisaaniyada sannadka ee golaha deegaanka Hargeysa.