Odayaal Madaxweyne Siilaanyo U Diray Farriin La Xidhiidha Dhulka Tiyaataraka

0
572

Hargeysa(Geeska)-Odayaal iyo dhallinyaro reer Hargeysa, gaar ahaan deegaanka Koonfur bari Hargeysa ayaa si adag uga digay dhulka tiyaatarka Hargeysa, gaar ahaan qaybta dhigashada Baabuurta oo ay sheegeen in madaxtooyadu siisay niman kale, halka uu dhismahaas tiyaatarka dhimse balaadhan ka wado Ganacsade Cumar Caydiid.

1111111111111

Odayaashan iyo dhallinyaradan oo ka soo jeeda Beesha Abokor Muuse ee Beelaha Ciidagale, waxa ay farriin u direen Madaxweyne Siilaanyo oo ay ugu baaqeen in la hakiyo warqadaas oo la sheegay inay tahay mid fulin ah oo lagu amrayo in Suldaan Saleban loo baneeyo dhulkaas, iyagoo nidar ku maray inaanay aqbalayn warqadaas labaad.

Ugu horayn mid ka mid ah odayaashaas oo ka hadlay shirka ay odayaashu yeesheen ayaa yidhi “Dawladii Rayaale waxay soo siisay Cumar Caydiid, dawladda Siilaanyana way ku raacday, iyadoo sidaas ah, maalgelin badan ayuu ku sameeyay oo ilaa 20 milyan Dollar ayuu geliyay, muddo dhawayd ayaa laba nin oo kale meeshii parking u ahayd ay dawladu soo siisay, taas waxaanu leenahay waxa fiicnayd intaan la maalgelin haddii aad cid kale la damacdeen inaad siisaan, laakiin ma suurtogalayso meeshii aad parking u bixiseen in maanta cid kale la siiyo, isku dhufasho ayaanu u aragnaa, dhulkuna maaha dhul laba qof wada qaadi kara. Waxaanu leenahay labadaasi isma qabtaan, dacwadayaduna waa garnaqsi, gartana waxaanu u dhiibanaynaa dadweynaha reer Somaliland.”

Caaqil Maxamed Weerar Cismaan ayaa isna yidhi “madaxweynaha waxaan leeyahay madaxweyne nin doonaya inuu dadka iska horkeeno jid uu soo maro yaanu kaa dhiganin, annagu waxaanu xaq u leenahay weeye, wax aanu cid dulmiyayno maaha, waxaas aanu leenahay ayaanu ka hadlaynaa ee dhibta badani naga gaadhay.”

Oday kale ayaa isna yidhi “Way ogtahay dawladu wixii dhib naga soo maray dhulkaas, madaxweynaha kamaanu mutaysan inuu bisha horena cid siiyo bisha dambena cid siiyo, waanu ka midaysanahay haddii aanu qabiilkaas nahay mid miyi iyo mid magaalo, bed iyo bari, dhimashaanan ka xignaa.”

Caaqil kale ayaa isna yidhi “Arrintan aqablka Cumar caydiid albaabkiisa gaadhiga loo dhigayay ee dadku ka soo galayeen waa la bixiyay wax aanu qaadan karno maaha, waxaanu xukuumadda leenahay iyo madaxweynuhu halkaas inaanay ka caafimad qabin ayaanu u aragnaa.”

Oday Maxamed Xasan, wuxuu yidhi, “Guriga Cumar Caydiid, waxaanu leenahay hantidiisa in cid kale la siiyo waxaanu ka xignaa dhimasho.”

Guddoomiyaha dhallinyarada Beeshan  ayaa isna yidhi, “Madaxweyne waxaanu ku leenahay wadankan maamulkiisa iyo masuuliyadiisuba adigay ku saarantahay, waxa jirta dhammaan xukuumadihii hore dhismayaal ay dawladu leedahay ayay bixiyeen arrin uu madaxweyne bixiyana oo soo noq-noqday kan Cumar Caydiid mooyee mid kale lama arag, waxaana jira dhismayaal badan oo wadanka qurxiyay sida Dahab Shiil, Cumar Caydiid, Indho deero, waxaas oo dhan xukuumado ayaa bixiyay maanta fooqan weyn ee Dahab Shiil, parking umadi degentahay ayaad u samaysay oo aad  uga rartay oo xoog lagaga raray, waa maxay sababtaad u leedahay Cumar Caydiid dhismihiisa quruxdaas soo kordhiyay Parking ma leh, waa nin sankiisii aad leedahay ayaan degeyaa, waa ayaan darro madaxweyen in dad muraado leh aad guddi u saarto, waxaan leeyahay arrinkaas aad gudiga u saartay iyagoon goobna tegin meelna tagin ayay kugula soo noqdeen ujeedo ay leeyihiin.” ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay odayaal kale oo dhammaantood madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in la joojiyo in qaybta ka mid ah dhismahaas la bixiyo.