Kulan Muqdisho la isugu geynayay ururada xuquuqal insaanka Somaliland iyo Somaliya oo la baajiyay

0
550

Hargeysa(Geeska)-Intiinii akhriday, wuxuu Wargeyska Geeska Afrika cadadkiisii Sabtidii baahiyay war nuxurkiisu ahaa kulan magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ka dhacaya oo la isugu geynayo ururada Xuquuqal insaanka ee Somaliland iyo Somaliya, kaas oo lagu beegay inuu qabsoomo 10 December oo ah maalinta Xuquuqal insaanka adduunka.

Kulankan waxa labada dal ururada ka jira isugu geynayay Ururka Difaacayaasha Xuquqal Insaanka Bariga iyo Geeska Afrika (East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project) ee fadhgiisu yahay caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Hase yeeshee kulankaas oo markii uu wargeysku baahiyay ay dareemo kala duwani ka soo noqdeen, ayaa waxa baajisay hay’adii Uganda fadhigeedu ahaa, waxaanay bajinta kulanka ku sababsay arrimo dhinaca ammaanka ah.

Ururka martiqaadka fidiyay oo uu madax u yahay nin la yidhaahdo Xasan Shire Sheekh oo reer Somaliya ahi wuxuu bishiii August sanadkan ku qabtay Hargeysa shir aan dawladdu ka warqabin oo lagu sameeyey gudi ka kooban 15 xubnood oo afar ka mid ah ay yihiin reer Somaliland. Gudidaas oo madax u noqonaysa Is-bahaysiga Difacayaasha Xuquuqal Insaanka Somaliland iyo Somaliya.