Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere Oo Aaminsan In Xukuumada Muuse Biixi Wax Ka Qaban Doonto Sicir Bararka

0
1037

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, sida ugu dhakhsaha badan ay wax kaga qaban doonto sicir-bararka umadda dhibaatada ku haya, oo ilaa hadda aan wax xal ah laga gaadhinCabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale digniin culus u diray Dawladda Somaliya,waxaanu talo u soo jeediyey Madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay dagaalkii dhexmaray labada beelood ee walalaha ah “Runtii dagaalkan dhexmaray Beelahan walaalaha ah, waa arin naxdin leh,waa arin murugo ku abuurtay dhammaan dadka reer Somaliland oo dhan,waayo Beelo walaalo ah, oo wada degan oo aan meelna kala tagayan, oo dhawr jeer oo hore is dilay, oo qooni kala gaadhay, oo laba jeer oo horena la isku keenay, gacantana la isku saaray, in mar saddexaad ay isku noqdaan waa naxdin, nabaduna waa inay iyaga ka soo go’daa,Somaliland waa inay culayska ugu badan saarta sidii aanu dagaalkani  mar dambe u soo noqon lahayn, waayo waa kaa dhimay oo kugu dhimay, Madaxweynuhu talaabo wanaagsan buu qaaday madaama uu yidhi markay bogsadaan dhaawucu jeelasha ayaanu u gudbinaynaa, waana waxyaabaha culayska lagu saari karo in colaada lagu damiyo”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheer mar uu ka hadlaayey Salaadiinta ayaa yidhi “Nimanka salaadiinta ah ee ay ahayd inay nabada ka shaqeeyaan ee cuqaasha ah, in waxyaabo aan loo baahnayn inay umaddooda ugu baaqaan, waa wax aan loo adkaysan karin, salaadiinta iyo cuqaashu waxay ku asteeysan yihiin inay dadka nadbiyaan,inay walaaleeyaan, iyo wanaagooda ka shaqeeyaan, laakiin may ahayn kuwii ku baaqi lahaa dagaal baynu ka qayb galaynaa,waana arin laga naxo, rasuulkuna wuxuu yidhi  CSW fidnada hurda ninka toosiya dambi culus buu leeyahay, kuwa fidnada kicinayaana sifahaas ayey qaadanayaan, dadkana waxaanu leenahay walaaloow, oo maqla kuwa wanaaga idinku baaqayaa, ee nabada idinku baaqaya”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Ciidankeenii hore ayuu u guuray, wanaag ayey inaga ku mudan yihiin, sharaf bay inaga ku mudan yihiin, haddii ay faragelinta qolada Somaliya joojin weydana weynu iska  kiin celin, inagu cidna garadaraysan mayno, cidna xumaan ula tagi mayno, Dawladda Somaliyana waxaan leeyahay tiina ayey masuuliyadi idinka saaran tahaye, ee Somaliland oo aan idin dhaweeyn faragelinteedu waxba idin tari mayso, Dawladda Somaliyana waxaan leeyahay haddii aad faragelinta Somaliland ka da’ayn weydaan dhib mooye dheef naga heli maysaan,oo weynu iska kiin celin”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar uu baaq u diraayey Shacabka ayaa yidhi “Arinta Sicir bararka gacanta ayaa lagu hayaa, waana kii Madaxweynuhu ka hadlay, waxaana is leeyahay go’aan deg deg ah iyo wax qabad deg deg ah ayaa soo bixi doona, Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixina waxaan qabaa inay sida ugu dhakhsaha badan xal uga gaadhi doonto Sicir bararka umadda aafada ku noqday, Shacabka Somaliland waxaan leeyahay waar nabadiina ka shaqeeya, dad baa jira meel aan loo guurayn iyo hadal laaqi ah mar walba la soo taagan, Cabdiraxmaan Cirrana waxaan leeyahay Doorashadii wey dhammaatay, waa la tartamay,waana lagu kala baxay, waana la kala guulaystay, codod aad u tiro badan baana lagu kala guulaystay,xumaana waxba tari mayso, Doorashadiina waa lagu kala baxay ee dadkiina dhinaca ka raaca”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here