“Way Fiican Tahay In La Balaadhiyo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Oo Dawladdo Soo Galaan”

24
2879

Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne-xigeenkii hore

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay wararka soo baxaya ee sheegaya in Dalalka Sweden, Norway iyo Switzerland ay qayb ka noqon doonaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay inuu soo dhaweeynayo.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in Turkigu aanu daacad ka ahayn wada hadalada, oo aanu raali ka ahayn inay Somaliland ka go’do Somaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi “Wey fiican tahay in la balaadhiyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo Dawladdo kale oo dhex-dhexaad ahi soo galaan wada hadalada, oo Norway, Sweden iyo Switzerland, waa dalal dhex-dhexaadka ah ee ugu fiican Yurub, haddii ay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya qayb ka noqdaana waan soo dhaweeynayaa,laakiin waa in aanay meesha ka maqnaanin Dalalkii arintan gunteeda ogaa, oo ay ka mid yihiin Ingiriiska oo Somaliland haystay,  Talyaaniga oo Somaliya haystay iyo Faransiiska oo Jabuuti haystay,sidoo kale   Itoobiya iyo Kenya waa in aanay meesha ka maqnaanin, sababtoo ah  Wadamadan  ayaa xogogaal u wax arinka meesha yaala, inay miiska wada hadalka fadhiyaan waa lagama maarmaan, Turkiguna may ahayn inuu wada hadalada markii horeba soo galo, kaligiina lagu helayo, sababtoo ah isaga ayaaba ogolayn in Kurdiyiintu ka go’aan, inay Somaliland ka go’do

Somaliyana ma ogola, maxa yeelay qodobadii lagu soo kala saxeexday Turkigu waa la jabiyey, oo Somaliya ayaa jabisay”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey Guddi loo magacaabo wada hadalada ayaa yidhi “Mar haddii Guddi loo magacaabayo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waa in Guddida loo magacaabaya aanay ka badan todoba xubnood, oo Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku jiro, lixda xubnood ee kalana ay noqdaan xubno dalka laga yaqaano, oo khibrad u leh waxay galayaan iyo waxay go’aynayaanba, walibana lixdii Gobol ee hore waa in min hal qof laga soo qaata, Guddidaasina waa inay noqdaan Guddi qabta shaqo laba geesood ah, oo kala ah wada hadalada iyo inay had iyo jeer ku jiraan olole ah sidii ay Adduunka ugu dhaadhici lahaayeen qadiyadeena, sidoo kale waa in la helaa saddex ilaa laba looyar oo qadiyadeena si waadixa ugu dooda”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here